Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uga hortegay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, qaar kamid ah golihiisa wasiirrada, xildhiaanno iyo boqolaal shacab oo loo diyaariyay soo dhaweynta madaxweynaha qaranka.
Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana sugaya ilaalada madaxweynaha oo saaka kaga sii horeeyay Kismaayo iyo ciidamo kamid ah kuwa maamulka Jubbaland.
Madaxweyne Xasan ayaa nasiino kadib wada-hadallo la yeelan doono Axmed Madoobe oo muddo dheer uu kala dhexeeyay khilaaf culus oo isku beddalay gacan ka hadal, kadib markii ay isku qabteen arrimaha doorasooyinka dalka
Wararka ayaa inaasti ku daraya kulanka maanta ay ka qeyb ka yihiin wafdi ka socda Dowladda Kenya oo ay ku jiraan Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka Kenya Nuuradiin Xaaji, halka madaxweynaha uu la socday taliyaha NISA Mahad Salaad.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadalka oo socon doona laba maalmood ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee fool ka fool ah oo dhex mara labada dhinaca tan iyo markii ay ku kala tageen Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee sanadkii hore October 2024.
Sidoo kale lama saadaalin karin natiijada rasmiga ah ee kasoo bixi karta shirkooda, oo ku yimid cadaadis gudaha iyo dibadda oo ay la kulmeen labada nin.
Horay Xasan Sheekh oo wareysi bixiyay ayaa ku sheegay in wada-hadallo uu kula jiro Jubbaland iyo Puntland, uuna ku rajo wayn yahay in heshiis la gaaro ka hor 2026-ka.
Si kastaba, safarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu talagaleen waqtiga kala guurka ee dalka.