28.9 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Qorshihii mucaaradka ee Nairobi oo fashilmay kadib tagista Xasan ee Kismaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Qorshe culus oo ah mucaaradka ka lahaayeen shirkii ay magaalada Nairobi kula yeesheen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa fashilmay, sida uu shaaciyay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in mucaaradka ay damacsanaayeen in ay ka hortagaan safarka Xasan Sheekh ee Kismaayo, balse ay ku guul darreysteen qorshahooda, maadaama uu maanta Kismaayo ka dagay madaxweynaha.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in markale ay hadda isku dayayaan inay fashiliyaan wada-hadallada bilaabanaya , balse aysan ku guuleysan doonin, sida uu hadalka u dhigay.

“Madashii calaacalku waxay Xamar uga safreen oo dal kale shirar ugu abaabuleen in ay caqabado ku hor gudbaan safarka madaxweynaha ee Kismaayo in uusan hirgelin balse taas waa ku guuldarraysteen” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxay hadda isku dayayaan wadahadalku inuusan guualysan oo aan la heshiin taasna waxaan rajaynayaa in aysan ku guulaysan!”.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa sidoo kale xusay in xubnaha Madasha Samatabixinta ay diidan yihiin in heshiis buuxa la gaaro, maadaama horay fursad loogu siiyay 5 fadhi, kadib shirar ka dhacay Villa Somalia.

“Shan fadhi oo wadahadal ah ayaa madaxweynuhu madashaas ugu fidiyey Madaxtooyada, intoodii ay dhabta ka ahayd waa la heshiiyay, kuwii ajandayaasha kale watay ayaa diiday ayagana halgankoodii wuxuu ku soo idlaaday saldhiggii Wardhiiglay markii ay weerareen!” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sidoo kale mucaaradka hadda jira ku sifeeyay inay yihiin “Waayeel Weero” lamid ah ciyaal weerarkii horay loola dagaalamay, sida uu hadalka u dhigay.

“Xamar waxaa ka jirey oo lala tacaalay Ciyaal weero, waxaa haddana soo baxay “Waayeel Weero” ayagana waa laga xallinayaa insha Allaah!” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Si kastaba, safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta ku gaaray Kismaayo ayaa kusoo aaday, iyada oo todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu talagaleen waqtiga kala guurka ee dalka

- Advertisement -

Read more

Local News