28.9 C
Mogadishu
Sunday, October 5, 2025

Xog: Halkee magaalada kasoo galeen raggii fuliyay weeraka Godka Jilacow? + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad iyo xogo dheeraad ah ayaa waxa weli laga helayaa weerarkii ay Al-Shabaab gelinkii dambe ee shalay ku galeen gudaha Godka Jilacow oo ah xarunta baarista ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA).

Weerarkan ayay Al-Shabaab usoo qorsheeyeen si ka duwan weeraradadii hore, iyaga oo adeegsaday xeelad cusub oo ay ku qaldeen hay’adaha ammaanka, kadib markii ay isku soo ekeysiiyeen ciidamada, ayna isticmaaleen dareeska ciidanka Duufaan iyo astaantooda oo ay ku buufiyeen gaari Cabdi Bile ah oo ay u adeegsadeen qaraxa koowaad ee lagu furay weerarka.

Caasimada Online, oo saameysay xooraan dhinacyo kala duwan ah ayaa ku ogaatay in ragga weerarka fuliyay iyo gaarigooda ay magaalada kasoo galeen dhanka dhanka gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna si caadi ah uga soo gudbeen Ex-koontarool Afgooye, kadibna ay soo abaareen gudaha oo ay ka fuliyeen weerarkooda oo ahaa bartilmaameed aad looga soo shaqeeyay.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in gaariga ay wateen ragga fuliyay weerarka oo ahaa illaa 7 nin ay soo mareen koontaroolo kala duwan, ayna ciidanka ku qaldeen dareeska iyo astaanta gaariga oo ahayd midda ay adeegsadaan ciidanka Duufaan ee hay’adda NISA, taas oo u fududeysay in aysan marin wax baaritaan ah.

Sidoo kale, waxaa u suurageliyay in gudaha ay usii gudbaan in Godka Jilacow ay xero ku dhex leeyihiin Duuufaan, taas oo keentay in aan laga shakin, lana baarin gaarigooda oo kadib qarxay, uuna xigay dagaalka ay meesha ku galeen raggii saarnaa oo dhammaantood xalay lagu toogtay gudaha taliska.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in hadda kadib loo baahan doono in la baaro gaadiidka ciidamada, si loo hubiyo cidda saaran.

“Tani waxay muujineysaa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyeeyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladdu waxay tilmaamtay in weerarkaasi uu daaha ka qaaday daldaloolo amni oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, gaar ahaan ilaalinta gaadiidka iyo hubka ciidamada ee maraya gudaha magaalada Muqdisho, si looga hortago in argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Xukuumadda ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkii Sabtidii shalay dhacay uu ahaa mid ay kooxda Al-Shabaab ugu jawaabeysay guulihii ciidamadu ka gaareen gobollada koonfureed, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada ah shalay ka xoreeyeen deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

- Advertisement -

Read more

Local News