28.9 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

NISA oo ku guuleysatay inay khaarajiso madax Shabaab ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa ku guuleystay dilka horjoogayaal iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howl-gal qorshaysan oo laga fuliyay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab.

Howl-galkan ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaawacay saddex xubnood oo kale kadib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goob ay isku aruursaneyeen Shabaabka la weeraray, sida ay sheegtay NISA.

Howl-galka ayaa la qaaday markii la helay xog sirdoon oo xaqiijisay in Shabaabka ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.

“Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

Howl-galkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, iyada oo ciidanka NISA ay si buuxda uga hortageen qorshihii Shabaabku ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso, sida ay sheegtay hay’addu.

Hay’adda ayaa xaqiijisay in uusan jirin intii uu socday howl-galka wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

War-saxaafadeed:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaana lagu dilay Toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goobtii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka ayaa la qaaday markii la helay xog Sirdoon oo xaqiijisay in Khawaarijtu ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.

Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen.

Howlgalkan ayaa kusoo dhammaaday si guul ah, iyada oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ay si buuxda uga hortageen qorshihii Khawaarijtu ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso. Inta uu howlgalka socday ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Fadlan muwaaddin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

- Advertisement -

Read more

Local News