Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa si cad u diiday qorshaha Dawladda Federaalka ee ku aadan hub ka dhigista, waxayna miiska soo saareen dood culus oo maangal ah.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal siiyay warbaahinta ayaa marka hore si weyn uga yimid qorshaha dawladda ee ku aadan hub ka dhigista mucaaradka, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu u arko in si gaar ah loo beegsanayo, isaga oo tusaale usoo qaatay dagaalkii saldhigga degmada Warta Nabadda.
“Hub ka dhis ma aqbaleyno waxaana u aragnaa wado nagula baneesanayo lana rabo in ay na dilaan ragii daraad na xabadeeyay iyo Al-Shabaab” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay in hubka ay haystaan inay isku difaacaan, isla markaana ujeedka aanu aheyn inay ku dhibateeyaan qof kale.
Shariifka ayaa ku dooday inay leeyihiin cadow fara badan, ayna horay ula soo dagaaleen Al-Shabaab, sidaas daraadeedna aysan isku halleyn karin cid kale, isna difaacayaan.
“Ujeedada aan hubka u haysano waxaa waayay difaaceena nafsiga ah madaxtooyo ayaan ku tegi jirnay weligeenna qof kuma dhibin, isbitaalada ku tegnaa nagalama soo sheegan, jidadkaa ku marnaa nagalama soo sheegan maxaa mushkila ah oo jira?” ayuu sii raaciyay
Waxaa kale oo uu yiri “Annaga dad waa wayn ayaa nahay colaad badan ayaa noo taallo Shabaab ayaan lasoo dirirnay kuwa badan oo tuugo ah oo dowladda ku jira ayaa dhibaato nagu haayo waad ogtiiin annaga oo iska socono ayaa nala xabadeeyay”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dawladda Soomaaliya ay waddo qorshe ballaaran oo ku aadan hub ka dhigis laga sameeyo gudaha magaalada Muqdisho, si loo mamnuuco gaadiidka qoryaha ay ku xiran yihiin ee lagu maro waddooyinka waa wayn.
Si kastaba, arrintan ayaa imaaneysa, iyada oo dhawaan mucaaradka iyo dawladda ay ku dagaalameen saldhigga degmada Warta Nabadda, halkaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale burbur hantiyeed oo xoogleh.

