Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa mamnuucay in diyaarado hub iyo ciidan sida ay soo galaan deegaannadeeda ama kasoo degaan garoomadeeda.
Warqad digniin ah oo kasoo baxday wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee maamulka HirShabelle ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in diyaaraduhu soo qaadan ciidan iyo hub toona.
Digniintan ayaa rasmi ah loo gaarsiiyay dhammaan hay’adaha, shirkadaha iyo agencies-ka ka howl-galka garoomada diyaaradaha ee hoos yimaada maamulka HirShabelle.
“Waxa si adag loo mamnuucay in diyaarado ciidan hubeysan ama kuwa sida hub iyo qalab milatari sharci-darro ah ay soo galaan garoomada diyaaradaha, iyadoo aan la marin nidaamka iyo habraaca dowladda HirShabelle,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maamulka HirShabelle.
Wasaaraddu ayaa caddeysay in ficil kasta oo noocaas ah uu yahay jebin sharci iyo khatar amni, isla markaana cid kasta oo lagu helo ama lagu tuhmo arrintan laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo adag.
“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay mar kale ku celinaysaa in aan la aqbali doonin diyaaradd kasta oo hub ama ciidan wadata oo aan la ogayn,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
Wasaaradda ayaa ku hanjabtay in cawaaqib adag la kulmi doonaan cid kasta ama hay’ad kasta oo ku xad-gudubta nidaamka maamulka HirShabelle.
Arrintan ayaa imanaysa xilli siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda maamulka HirShabelle ay ku quud-daraynayaan hoggaanka maamulkaasi, iyadoo la sheegay in qaar kamid ah ay isku dayayaan in ay ciidan ama hub keensadaan si ay u abuuraan cadaadis siyaasadeed.
Si kastaba, tallaabadan ayaa uga sii dari karta xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo madaxda maamulka HirShabelle, taas la filayo in ay saamayn ku yeelato siyaasadda gobolka Shabeellada iyo Hiiraan.


