Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saari doono go’aanno culus oo ka dhaqan galaya gudaha caasimada, isla markaana si gaar ah u saameyn doono xubnaha mucaaradka, sida uu shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Wasiirka oo hadal jeediyay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in la diyaariyay qaraar la xiriira xakamaynta hubka, dharka ciidanka iyo gaadiidka summadaha leh ee ciidanka dowladda, ayna shaacin doonaan Golaha Wasiirada.
Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan aysan suuragal noqon karin in hub waa wayn lagu dhex qaado Muqdisho, sidoo kalena aan la adeegsan karin gaadiidka ciidamada, si looga fogaado in Al-Shabaab ay ka dhex faa’iideysato, sida ay sameysay weerarkii Godka Jilacow.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in Al-Shabaab markii dhinac kasta looga adkaaday ay bilaabeen inay isku ekeysiiyaan ciidanka, balse haatan laga hortagAYo qorshahooda.
“Ma jiri doonno gaari ciidan, askari iyo hub aan hayb lahayn oo iska dhex-mara wadooyinka magaalada Muqdisho, baabuurtii shacabka markii ay kasoo dhammaadeen ayay isku ekeysiiyeen ciidanka, Golaha Wasiirrada ayaa xeer kasoo saari doonna” ayuu yiri Wasiirku.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in loo hoggaansamo awaamiirta kasoo baxaysa hay’adaha amniga oo haatan bilaabay inay baaraan gaadiidka ciidamada ee dhex-maraya magaalada, si loo ogaado cidda wadata iyo sidoo kale ciidamada saaran.
Qaraarka xakamaynta xhubka oo mar hore la diyaariyay ayaa haatan qorshuhu yahay in la dhaqangeliyo, si loo joojiyo hubka waa wayn ee lagu dhex wato gudaha caasimada, loogana hortago isku dhacyada hubeysan ee mararka qaar ka dhaca magaalada dhexdeeda.
Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Godka Jilacow iyo dagaalkii saldhigga degmada Warta Nabadda ee u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa la dardargelinayay xeerkan, si ay dowladda u adkeyso amniga guud ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

