29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Muqdisho: Waddooyin muhiim ah oo maanta dib loo furay + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah dib loogu furay saddex waddo oo muhiim ah oo u xirnaa sababo amni dartood. Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Hoose ee Xamar ku fududeynayso isu-socodka bulshada iyo gaadiidka magaalada Muqdisho.

Waddooyinkan maanta dib loo furay ayaa kala ah: Waddada ka baxda barta hubinta Garoonka Aadan Cadde ee KM4 una gudubta xaafadda Tiitiinley ee degmada Wadajir, waddada ka baxda isla KM4 oo marta buundada Waaberi, iyo waddada Beexaani oo xiriirisa isgoyska Sanca iyo Istaadiyaha Injineer Yariisow.

Munaasabadda dib-u-furitaanka saddexda waddo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab); Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, Liibaan Aadan; Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka, Gaashaanle Sare Macallin Mahdi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Muungaab oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruuca dib-u-furitaanka waddooyinkan uu yahay qorshe qeexaya soo noqoshada kalsoonida iyo xasilloonida magaalada Muqdisho, isla markaana uu qayb ka yahay barnaamijka Dowladda Hoose ee lagu dardargelinayo isu-socodka shacabka iyo kobcinta dhaqaalaha magaalada.

“Dib-u-furista waddooyinkan waa guul u soo hoyatay shacabka iyo ciidamada amniga, Waxaa ay caddeyn u tahay in Muqdisho ay si tartiib tartiib ah uga xoroobeyso hanjabaadaha kooxaha Al shabaab ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan nolosha dadkeena,” ayuu yiri Muungaab.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinkan ay astaan u yihiin guusha shacabka iyo ciidamada amniga ee dalka, kuwaas oo si geesinimo leh u xaqiijiyay in Muqdisho ay si tartiib ah uga xoroowdo isku-dayada kooxaha Khawaarijta ee doonaya inay carqaladeeyaan nolosha bulshada.

Mashruuca dib-u-furista waddooyinka ayaa ujeeddadiisu tahay in la hirgeliyo dib-u-furista 52 waddo, si loo yareeyo ciriiriga gaadiidka, loo fududeeyo adeegyada bulshada, loona kobciyo dhaqaalaha magaalada. Waxaa horey loo furay waddada dhabarka dambe ka marta xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku celiyay ballanqaadkiisa ah inuu si dhow ula shaqeyn doono hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka si loo xaqiijiyo in caasimadda Muqdisho ay noqoto meel ammaan ah, nadiif ah, isla markaana ay muwaadiniinteedu ku noolaadaan bilic iyo baraare.

- Advertisement -

Read more

Local News