30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Faah-faahinta qarax ka dhacay buuraha Calmiskaad

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaasi oo ciidamada Puntland ka wadaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda Daacish.

Qaraxa oo la sheegay inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ku geeriyooday toddoba askari, halka shan kalena ay dhaawacmeen, kadib markii gaari dagaal oo ay saarnaayeen lala beegsaday qaraxa.

Qaraxan ayaa ka dhacay deegaanka Dararmadoobe, oo u dhexeeya tuulooyinka Tuurmasaale iyo Dhaadaar. Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax sidan oo kale ah lagu beegsado ciidanka Puntland ee ka howl-gala buuraleyda Calmiskaad.

Qaraxa maanta ayaa dhacay xilli dhowaan guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baarri Shire uu sheegay in deegaanno hore looga sifeeyay kooxda Daacish ay hadda dib ugu soo noqdeen.

Guddoomiye Baarri ayaa sidoo kale xusay in xubnaha kooxda Daacish ay ku milmeen dadka reer guuraaga ah ee deggan buuraleyda Calmiskaad.

Inkastoo kooxdu ay lumisay deegaano muhiim ah oo muddo badan ku xooganeyd, haddana maamulka si dhameystiran uma soo afjarin, iyadoo haatan ay soo baxayso inuu gaabis ku yimid dardartii uu ku bilowday dagaalka.

Si kastaba, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, oo ka tirsanaa Daacish. Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen shan qof oo keliya.

Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya.

Inta badan dagaal-yahannada ajaanibta ah waxay ku soo galeen dalka si sharci darro ah ama iyagoo iska dhigay qaxooti, gaar ahaan kuwa ka yimid Itoobiya oo markii dambe ku biiray Daacish, sida uu sheegay maamulka.

Waxaa kaloo jiray kuwo si qarsoodi ah uga soo gudbay xeebaha Yemen, iyagoo adeegsanayay doomaha tahriibka, taas oo ka dhigan inay dalka soo galeen iyagoo aan haysan wax dukumeenti safar ah.

Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Tan ayaa ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News