28.8 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

Xog: Wasiir Jaamac oo ciidamo wata oo ku wajahan Koonfur Galbeed + Qorshihiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda deegaanno ka mid ah Koonfur Galbeed, halkaas oo uu ku tegayo booqasho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Jaamac oo wata ciidamo badan oo ilaalo ah ayaa tegi doona degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweyn doono.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka uu halkaasi u tegayo qorshe la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah, gaar ahaan ololaha is-diiwaangelinta ee haatan ka socda deegaanno kamid ah Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu goobta iska diwaangeliyo, maadaama ay tahay deegaan doorashadiisa, isaga oo sidoo kale kulamo ka bilaabi doono halkaasi.

Ninkan oo ay horay aad isugu hayeen Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale la tilmaamayaa inuu yahay musharax u socda Koonfur Galbeed oo doorasho galeysa, waxaana safarkiisa uu noqday mid isha lagu hayo, maadaama uu kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale kamid ah Xukuumadda Dan-Qaran oo uu kasoo qabtay xilal kala duwan, waana saaxib ku dhow Villa Somali, sidoo kalena saameyn weyn ku leh siyaasadda.

Ma cadda waxyaabaha laga filan karo dhanka Koonfur Galbeed oo iyadu dhawaan Baydhaba ka celisay wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo rabay in xisbigiisa uu xarun uga furo magaaladaasi, maadaama la aadayo doorasho qof iyo cod ah oo ay kula heshiiyeen Villa Somalia.

Si kastaba, Xaaladda Koonfur Galbeed ayaa muuqata mid ka dareysa, maadaama la galayo marxalad adag oo tartan ah, loona diyaar garoobayo doorashada hoggaanka maamulkaasi oo loo qorsheeyay inuu isbeddal ka dhaco, sida ay ku warramayaan falanqeeyeyaashu.

- Advertisement -

Read more

Local News