Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta wada-hadallo cusub ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka arrinsaday saddex qodob oo muhiim ah oo ku aadan xoojinta xiriirka ganacsiga ee labada dal.
Kulankan ayaa si gaar ah waxaa u yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktas, kuwaas oo wada-hadalladooda diirrada ku saaray kobcinta dhaqaalaha, fursadaha maalgashiga iyo ballaarinta iskaashiga warshadeed ee labada dhinac.
“Waxaa kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, kobcinta fursadaha maalgashi iyo ballaarinta iskaashiga warshadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka.
Wasiir Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) oo madasha ka hadlay ayaa waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhaqaale oo wax ku ool ah, kaas oo kor u qaadaya horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalka.
Dhankiisa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, H.E. Alper AKTAŞ, ayaa sheegay in xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer, isla markaana labada dal ay si dhow uga wada shaqeynayaan kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah.
Waxaa kale oo ay labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Turkiga ayaa ah saaxib dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhinacyo muhiim ah, sida milatariga, dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.
Sidoo kale, wuxuu toos uga qay-qaataa dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sanadihii u dambeeyay xoojiyay taageerada iyo dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

