29.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 4, 2025

Haybe Cabdiraxmaan Nuur oo xukun lagu riday kadib dilkii uu ka dhex gaystay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Nin Soomaali magangalyo-doon ah oo qof uusan aqoon ku dhex toorreeyay banki ku yaalla bartamaha magaalada ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, iyadoo la amray inuu xirnaado ugu yaraan 25 sano.

Haybe Cabdiraxmaan Nuur, oo 47 jir ah, ayaa feeraha ka toorreeyay Gurvinder Johal, oo 37 jir ahaa, Bankiga Lloyds (Lloyds Bank) oo ku yaalla St Peter’s Street, ee magaalada Derby, wax yar ka dib 14:30 BST 6-dii May.

Kaamirada CCTV-ga ayaa muujisay Haybe oo soo gelaya, una dhowaanaya Johal, kadibna si aan digniin lahayn u mindiyeynaya, inta uusan dibadda uga bixin. Johal ayaa dhulka ku dhacay iyadoo mindidii weli ay feeraha kaga taagan tahay. Shaqaalihii bankiga ayaa wacay 999, balse waxaa la shaaciyay inuu geeriyooday 15:16.

Garsoore Shaun Smith, oo xukunka ka ridayay Maxkamadda Crown ee Derby (Derby Crown Court), ayaa sheegay in Haybe uu si “aan kala sooc lahayn” u doortay Johal. “Waxa uu ahaa fal arxan darro ah oo naxariis laawe ah,” ayuu yiri. Maxkamadda ayaa la sheegay in Haybe uu ku sugnaa gudaha laanta bankiga muddo ku dhow 22 ilbiriqsi.

Qoyska Johal ayaa Haybe ku sifeeyay “fulay iyo ibliis” ka dhacay saddex carruur ah oo da’ yar aabahood. “Iftiinkii qoyskeenna waa la bakhtiiyay,” ayaa lagu yiri warbixin ay akhriday xeer-ilaalintu. Qoysku waxay codsadeen in Haybe uu xukunkiisa ku qaato gudaha UK halkii dib looga masaafurin lahaa.

Haybe, oo ah muwaadin Soomaali ah, ayaa UK ku soo galay doon yar bishii Oktoobar 2024, kaddib dhowr sano oo uu u kala gooshayay Italy, France, Germany, Luxembourg iyo Netherlands. Waxa uu Soomaaliya ka tagay 2016-kii isagoo soo maray Libya, wuxuuna helay $1,800 si uu doon ugu raaco dhanka Yurub. Wuxuu kaddib bixiyay €400 uu siiyay tahriibiye si uu u gaaro Britain.

Haybe ayaa dalbaday magangalyo wax yar kaddib markii uu yimid. Xafiiska Arrimaha Gudaha (Home Office) ayaa diiday codsigiisa Janaayo 2025, isagoo ku salaynaya inuu ku yimid “si iskii ah”. Wuu ka qaatay racfaan, kiiskana dib-u-eegis ayuu ku jiray xilligii uu dilku dhacayay.

Xeer-ilaaliye Louis Mably KC ayaa sheegay in Haybe uu si sharci-darro ah sigaar ugu iibin jiray xeryo ku yaalla France iyo Italy, uuna lahaa diiwaan ay ka buuxaan dhacdooyin uu ka geystay Yurub.

Waxaa ka mid ah; xukun xabsi ah oo la hakiyay oo la xiriira dhac uu ka geystay Italy (May 2023), xarig la xiriira xatooyo baaskiil oo Germany ka dhacday, booliiska Berlin oo loogu yeeray hanjabaado is-dilid ah, saddex dhacdo oo yaryar oo nabadgelyada guud liddi ku ah isagoo sakhraansan oo ka dhacay Netherlands, iyo siddeed dembi oo xatooyo aalkolo ah oo ka dhacay Luxembourg.

Booliiska Derbyshire ayaa sheegay in ay ogaadeen diiwaannadan ka kala yimid afarta waddan ee Midowga Yurub kaddib markii uu dilku dhacay oo keliya.

Gudaha UK, Haybe waxaa lagu xiray magaalada Derby 13-kii Diseembar 2024, kaddib muran dhacay, kaasoo uu intii uu socday ku dhex orday waddada baabuurta, madaxna ku dhuftay nin, kuna tilmaamay dadka Ingiriiska “cunsuriyiin caddaan ah”. Waxa uu sidoo kale bishii Abriil burburiyay daaqadda dukaan taleefoonnada lagu iibiyo.

Maalintii uu dilku dhacay, Haybe waxa uu cabbay saddex dhalo oo vodka ah iyo 10 biir, waxuuna wicitaanno isdaba joog ah u diray hay’adda samafalka ee Migrant Help, isagoo ku hanjabay inuu waxyeello u geysanayo naftiisa iyo dad kale. Hay’adda Migrant Help ayaa la-xiriirtay Adeegga Ambalaasta ee Bariga Midlands, kuwaasoo iyana la xiriiray booliiska; EMAS ayaa loo xilsaaray inay noqoto cidda ugu habboon ee ka jawaabta xaaladda. Ambalaas ayaa gaaray ciwaanka Haybe wax yar ka hor 15:00, taasoo ahayd daqiiqado kaddib markii uu ka soo laabtay falkii toorreeyaynta. Booliiska Derbyshire waxay si isxilqaan ah kiiska ugu gudbiyeen Xafiiska Madaxa Bannaan ee Anshaxa Booliiska; baaritaan ayaa hadda socda.

Haybe ayaa la xiray saacado kaddib, kaddib markii ay saraakiil booliis ah heleen isagoo ka dhex hurda dabaqa qolkiisa jiifka. Maxkamadda ayaa la sheegay in markii uu xirnaa, isagoo ku hadlaya Af Soomaali, uu yiri: “Sida caadiga ah waad i dili kartaan… Anigaa si bareer ah u sameeyay.”

Dhanka qareennada difaaca, James Horne KC, ayaa sheegay in Haybe uu Soomaaliya ka soo cararay 2016-kii kaddib markii xaaskiisa lagu dilay fal loo bixiyay “sharaf-dil”, uuna la il daran yahay cudurka walbahaarka ee ka dambeeya dhaawacyada (post-traumatic stress disorder). Inkastoo xasuustiisu ay liidatay, haddana waxa uu aqbalay mas’uuliyadda falka oo buuxda.

Haybe, oo deggen Western Road, Derby, ayaa qirtay dembiga dilka 21-kii Agoosto. Xafiiska Xeer-ilaalinta Boqortooyada (Crown Prosecution Service) ayaa weerarka ku tilmaamay “dembi aan la macnayn karin” oo loo geystay qof aan gabi ahaanba la aqoon.

Kiiskan ayaa kiciyay su’aalo ku saabsan sida ay hay’aduhu uga jawaabeen wicitaannadii caawimaad doonka ahaa ee Haybe ee maalintaas, iyo weliba arrinta la xiriirta wadaagista diiwaannada dembiyada ee booliiska dalalka kale. Mas’uuliyiinta ayaa wajahaya la-xisaabtan ku aaddan in faragelin hore ay baajin kartay dilka iyo in kale.

- Advertisement -

Read more

Local News