Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA Cabdiweli Timacadde oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan xarumaha ha’yadda ee laga qaato kaararka aqoonsiga, halkaas oo uu ka jiro culeys xooggan.
Cabdiweli Timacadde ayaa si gaar ah uga hadlay muuuqaallo iyo sawirro qabsaday baraha bulshada, kuwaasi oo muujinayay dad badan oo haween ay ku jiraan oo xilli habeen ah dhex jiifa mid ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, si ay xilliga aroortii ah u helaan Kaarka NIRA.
Maareeyaha oo ka jawaabayay arrintaas iyo cabashooyinka kale ee taagan ayaa xusay in uu jiro habraac ay u dajiyeen shaqada socoto ee diiwaangelinta, isla markaana howsha ay bilaabatay subaxii 7am, ayna khalad tahay in xilli habeen ah safka lasii galo.
“Xarumaha NIRA waxa ay subaxdii hawl-galaan (7am). Sidaasi awgeed, safku ma furna ka hor (7am) aroortii. Taasi waxay ka dhigan tahay in qofka aanay waxba u tarayn inuu xilligaas ka hor safka sii galo” ayuu yiri Maareeye Cabdiweli Timacadde.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in saacadaha shaqada iyo xarumaha ay kordhiyeen, si fursad loo siiyo dadka tirada badan ee maalin walba is-diiwaangelinaya.
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran;-
Waxaan arkay muuqaal ku saabsan Maamooyin Soomaaliyeed oo xilli wakhti habeennimo ah hor fadhiya xarun ka mid ah Xarumaha Hay’adda NIRA ee Gobolka Benaadir. Sidaasi awgeed, waxaan rabaa inaan bayaamiyo dhowr qodob:
1. Waan ka xunnahay in shacabkeennu xilli aan habboonayn safka u galaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga, waana sababta aanu u laba-jibbaarnay dadaalladeenna la xiriira furista xarumo cusub, taas oo keentay in Hay’addu maalintii u adeegto tiro gaaraysa ku dhowaad 20,000 oo qof.
2. Sidoo kale, markii aannu aragnay culayska jira iyo baahida is-diiwaangelinta, waxaannu go’aaminnay in xarumaha qaarkood la hawlgeliyo habeenkii si shacabka 24/7 loogu adeego. Xarumaha hadda shaqeeya laga bilaabo 11 saac (5pm) galabtii ilaa 6 saac (12am) habeenkii waxa ka mid ah Xarunta NIRA ee Hodan iyo Xarunta Boondheere.
3. Xarumaha NIRA waxa ay subaxdii hawl-galaan (7am). Sidaasi awgeed, safku ma furna ka hor (7am) aroortii. Taasi waxay ka dhigan tahay in qofka aanay waxba u tarayn inuu xilligaas ka hor safka sii galo.
4. Waxaanu ku hawlannahay sidii aanu dadkoo dhan u diiwaangelin lahayn annaga oo tixgelinayna dufuurahooda; Aqoonsiguna ilaa hadda waa lacag la’aan. Ugu dambayntii, waxaan shacabkeenna sharafta leh ka codsanaynaa inay dulqaad muujiyaan iyo inay u hoggaansamaan habraacyada diiwaangelinta iyo safka ee NIRA.
Mahadsanidin!

