26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Odowaa oo shaaciyay tirada askarta DF looga dilay dagaalka Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta hortegay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, kaas oo muddo dheer socda.

Taliyaha oo su’aallo ay waydiiyeen Senatorada Aqalka Sare ayaa si faah-faahsan uga hadlay howlgallada, wuxuuna shaaciyay tirada askara dowladda ee ku dhintay dagaalka Shabaab.

Odowaa ayaa xaqiijiyay in tirada dhimashada askarta, kuwa naafada noqday iyo kuwa hawlgabka ay u dhexeyso 10,000 illaa 15,000 oo askari, taas oo ah mid aad loola yaabo.

“Haddii aan idin sheego tirada ciidamada dowladda ee howlgalka ku jiray waxay idinla noqoneysaa wax lala yaabo shuhadada, naafada iyo hawlgabka waxa ay u dhexeeyaan 10,000 illaa 15,000″ ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrinta miisaanidda ciidamada, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in si gaar ah ciidanka looga warqabo, si ay u helaan xuquuq gaar ah.

Dhankiisa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo goobjoog ahaa kulanka ayaa ka warbixiyay jabka Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgallada gobollada, isaga oo xusay in sanadkii lasoo dhaafay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka ay muujiyeen naf-hurnimo, isla markaana ay cashir u dhigeen kooxaha argagixisada ah.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in la fuliyay in ka badan 200 oo duqeymood, laguna laayay ku dhawaad 1000 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta.

“Sanadkan bilowgiisii, tirada cadowga laga naafeeyay ayaa ka badan kuwii hore, ciidamadu waxay fuliyeen 220 duqeyn, kuwaas oo lagu dilay 868 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana ku jiray 52 horjooge” ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay dagaalka Al-Shabaab, waxaana mar kale ay bilowday guluf ka dhan ah kooxda oo haatan ka socda deegaannada maamullada HirShabelle, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News