26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

DF Soomaaliya oo war kasoo saartay fal arxan darro ah oo ka dhacay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay fal kufsi ah oo dhawaan ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag.

Kufsigan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa mid si arxan darro ah loogu geystay gabar 11 jir ah, 30-kii October ee 2025.

“Falkan naxdinta leh ayaa ah mid ka dhan ah bani’aadamnimada, isla markaanana si cad u burinaya xuquuqda Carruurta ee ay u leeyihiin inay ku noolaadaan bulsho nabad ah oo ka xor ah tacadiyada iyo xadgudubyada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa waxay ku boorisay hay’adaha cadaaladda in eedeysanayaasha ku lugta leh kiiskaan si deg-deg ah loo horgeeyo sharciga, lana marsiiyo ciqaabta uu sharcigu dhigayo, iyadoo wasaaraddu uga mahad-celisay maamulka iyo ciidanka booliska Puntland dadaalka ay muujiyeen ee ku aaddan qabashada eedeysanayaasha loo hayo dambigan foosha xun.

“Wasaaraddu waxa ay si adag u cambaareyneysaa falal kala duwan oo lagu kacey Hooyooyin iyo Carruur Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo kuwaasai oo ka dhacay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda qoyska.

Falalkaasi ayey wasaaraddu ku tilmaamtay kuwo xad-gudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta ayadoo Haweenka iyo carruurtu ay xaq u leeyihiin in si gaar ah loo ilaaliyo maadaama ay yihiin Biri-mageydo.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falka arxan darrada ah ee lagu kacy gabar yar oo lagu magacaabo Samiira Cabdikariim Maxamuud, oo 11 jir ahayd, kaas oo ka dhacay deegaanka Xingalool ee hoos yimaada gobolka Sanaag ee maamulka Puntland taariikhdu markay ahayd 30 Oktoobar 2025.

Falkan naxdinta leh ayaa ah mid ka dhan ah bani’aadamnimada, isla markaanana si cad u burinaya xuquuqda Carruurta ee ay u leeyihiin inay ku noolaadaan bulsho nabad ah oo ka xor ah tacadiyada iyo xadgudubyada.

Sidoo kale, Wasaaradda waxay u mahad celinaysaa maamulka iyo Ciidanka Booliiska Puntland dadaalka ay muujiyeen ee ku aaddan qabashada eedeysanayaasha loo hayo dambigan foosha xun. Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa hay’adaha cadaaladda in eedeysanayaasha si degdeg ah loo horgeeyo sharciga, lana marsiiyo ciqaabta uu sharcigu dhigayo.

Dhinaca kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS waxa ay si adag u cambaareyneysaa falal kala duwan oo lagu kacey Hooyooyin iyo Carruur Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan oo kuwaasai oo ka dhacay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya, falalkaasi oo xad gudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta ayadoo Haweenka iyo carruurtu ay xaq u leeyihiin in si gaar ah loo ilaaliyo maadaama ay yihiin Biri-mageydo.

Waxa ay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS uga mahad celinaysaa ciidammada Amniga Galmudug, maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ka dhiidhintan falalkaasi waxuushnimada ah iyo in lasoo qabtay kuwii lagu tuhmayey iney ka dambeeyeen falalkaasi arxan daran.

Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada inay feejignaadaan, isla markaanay ay si degdeg ah u soo sheegaan cid kasta oo lagu tuhumo inay ku lug leedahay tacadiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta. Waxa muuqata kororka kiisaska noocan ah ee soo noqnoqday saddexdii bilood ee u dambeeyey, taas oo u baahan in si wadajir ah looga hortago.

Wasaaraddu sidoo kale waxay ku dhiirrigelinaysaa Culimaa’udiinta iyo odayaasha dhaqanka inay door muhiim ah ka qaataan wacyigelinta bulshada, ka hortagga falalka xadgudubka ah, iyo ku baraarujinta bulshada wanaagga iyo is-ixtiraamka ay diinteennu Islaamka farayso, si loo dhiso bulsho nabdoon oo dhowrta dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News