28.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

DF oo si yaab leh uga hadashay arrinta saldhiga Boosaaso ee Imaaraadka Carabta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrinta saldhiga magaalada Boosaaso ee Imaaraadka Carabta, oo maalmihii dambe si weyn loola xiriirinayay inuu qeyb ka yahay dagaalka Sudan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa marka hore xaqiijiyay in ay jiraan diyaarado ka duulay garoonka Boosaaso, oo ka dagay dalka Sudan. Inkastoo uu sheegay in uusan si rasmi ah u ogayn ujeedada duullimaadyadaas ama waxa ay siddaan.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa inay jiraan diyaarado ka duula garoonka Boosaaso oo aada Sudan, balse ma garaneyno waxay qaadaan oo ay geeyaan,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa hadalkan ka jeediyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo uu maanta hortagay, halkaas oo Senataradu ay su’aalo ku weydiiyeen isaga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in Dowladda Soomaaliya ay ogaan weyday xogta diyaaradahan ay sheegtay inay u duuleen Sudan, kuwaas oo isticmaalay hawada dalka, maadaama ay waajib tahay in la hayo xogta diyaaradaha ka hor inta aysan soo gelin hawada Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imanaya xilli maalmihii dambe warbaahinta gudaha iyo tan caalamka ay si weyn u hadal hayeen warar sheegaya in diyaarado laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay Boosaaso ku degayaan, kaddibna ay sii aadaan dalka Sudan oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa RSF.

Dhawaan, Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu jebiyay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo laga keenay Boqortooyada Ingiriiska oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya, iyadoo uu gacanta u galay kooxo hubeysan oo ka howl-gala Soomaaliya iyo Liibiya.

Warbixin ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado si qarsoodi ah hubka u kala gudbiya, waxaana marar badan la arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban oo ay soo saarto shirkad Imaaraad ah, oo lagu isticmaalayo dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cuna-qabateyn hub.

Warbixinta oo ay akhriyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadku uu hub British ah siiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan doorkiisa ku aaddan dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in dhaqanka noocan ahi uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, islamarkaana uu sii hurin karo ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya, halkaas oo amni darro wali ka jirto.

Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis saaraya in dib loo eego dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in lagu isticmaalo goobaha ay colaadaha ka socdaan, sida Soomaaliya iyo Sudan.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istaraatiijiyadeed ee magaalada Boosaaso ay ku leedahay hawl-gallada gobolka ee Imaaraadka.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, taasoo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo RSF.

Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo oo aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaalida.

Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen Raadaarka Hawlaha Badan ee ELM-2084 (ELM-2084 Multi-Mission Radar) oo lagu sameeyay Israel, kaasoo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.

Nidaamkan, oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel oo awood u leh inuu la socdo in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa waxaa loo malaynayaa inuu Imaaraadku rakibay iyadoo aysan ka warqabin dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.

Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istaraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News