25.2 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Sawirro: Laba horjooge iyo ilaaladooda oo lagu dilay howlgal ka dhacay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay si wadajir ah uga fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa u dhacay sidii loogu talagalay, waxaana lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in howlgalka lagu dilay horjoogihii dhanka maaliyadda Al-Shabaab ee aaga Daynuunaay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Yaxye, afgarashadiisuna ay ahady Abuu Khaalid, sidoo kale waxaa lala dilay ku xigeenkiisii iyo rag kale oo ilaalo u ahaa, kadib markii ay dul tageen ciidamada huwanta ee weerarka qaaday.

“Howgal ballaaran oo dhowr waji leh islamarkaana lagu khaarajiyay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa dhanka maaliyadda deegaanka Daynuunaay, ku-xigeenkiisa iyo ilaaladooda (Yaxye) oo magaciisa af garashadana uu yahay (Abuu Khaalid) ayaa waxaa laga fuliyey tuulooyin ay kamid yihiin Buul Dooro”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa howlgalkan guuleystay qaaday, kadib markii ay heleen xogo ku saabsan horjoogayaasha Khawaarijta iyo ilaaladooda ee goobtaasi lagu dilay.

Sidoo kale intii uu socday howlgalka ciidamada ayaa waxaa lagu soo furtay saanad ciidan, gaar ahaan saddex qoray oo AK47 ah iyo booshashkooda.

Taliyaha guutada 8-aad, qaybta 60-aad Cali Maxamed Aadan (Cali Cadoow) oo ka hadlay howlgalka ayaa si weyn ugu mahadceliyey ciidanka geesiyaasha ee sida gaarka ah u beegsaday horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka maanta lagu laayay halkaasi.

Maalmihii dambe ciidamada ayaa xoojiyay howlgallada ay ka wadaan duleedka Baydhaba, halkaas oo inta badan weeraro arbushaad ah ay kasoo qaadaan maleeshiyada Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News