Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadashay dhibaatada ka taagan garoonka Aadan Cadde oo sababtay in shaqadii ay maanta istaagto, sababo la xiriiro culeys soo wajahay shaqaalaha.
Shaqaalaha ayaa si gaar ah uga cabanaya mushahar la’aan iyo shaqo-cayrin lagu sameeyay qaar ka mid ah shaqaalaha, waxayna mudaharaad ka dhigeen gudaha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Faa’iso Jayte ayaa warsaxaafadeedka ay soo saartay guud ahaan uga hadashay xaaladda adag ee Muqdisho, iyada oo jeedisay dhaleeceen xooggan oo ku aadan dowladda iyo shacabka.
Xildhibaanadda oo kashiftay xog ku aadan arrinta garoonka ayaa sheegtay in maalmo kahor shaqaalaha qaar laga saaray shaqadoodii, laguna bedalay kuwa kale oo aan qibrad lahayn, sida ay hadalka u dhigtay
“Dhibaatada garoonku maahan mid maanta bilaabatay laakiin dhowr bilood kahor waxaa si sharci darro ah looga saaray shaqadoodii wiilashi hagi jiray diyaaradaha marka ay dagaayaan kuwaas oo muddo dheer shaqeeynaayay tababar fiicana heystay waxaana lagu badalay wiilal ka mid ah shaqaalihii muruq maalka ahaa oo loo xiray dharki shaqaalihii diyaaradaha hagaayay taaso ay ka dhalatay xitaa shil diyaarad oo aan qasaaro badan geysan” ayay tiri Faa’iso Jayte.
Sidoo kale waxa ay sii raacinaya “Haddaba xagee dhibku ka heystaa magaaladan dulqaadka badan iyo shacabkan Soomaaliyeed ee Soomaalinimada jecel?”.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhamneystiran;-
Waxaan rabaa maanta in aan run qaraar sheego.
Magaalada muqdisho waa magaalo ay ku noolyihiin dad ku dhow 4 milyan oo Soomaali ah oo iskugu jira jileec iyo jareer ama shanta beelood oo Soomaali wax ku qeybsato.
Waa magaalada kaliye ee qof kasta oo Soomaaliya uu soo aado markuu culeys ku dareemo meelaha kale ee shanta Soomaalidu dagan tahay sida.
1- Jabuuti, Kilinka, Nfd, Waqooyi Bari iyo Koonfurta Soomaaliya markii Muqdisho laga reebo , ayadoo kulansatay wax kasta oo wanaag iyo midnimo jaceyl Soomaaliyeed ah marka laga reebo dad yar oo wax ma garato ah haddallada qaar marmar ka soo yeera.
Waa magaalada kaliya ee xamili karta in ay u adkeysato culeys ay xamili karin dhulka kale ee Soomaalidu dagto, laakiin waxaa jiro culeysyo badan oo iyada u gooni ah sida dhagarta argagixisada, musuqa, cadaalada darada iyo wax yaabo kale oo badan.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa taagnaa buuq ku aadan shaqaale ayagoo joogo boosaskoodii laga qaadan rabay, sidoo kale gabar cisbitaalka Banaadir hortiisa ku umuleysa, sidoo kale cabasho soo gaartay gudiga doorashooyinka aan heshiiska lagu aheyn oo ah in shaqaalaha g/Bannaadir lagu qasbaayo in ay iska diiwaan galiyaan ururo siyaasadeeed taasoo sharci daro iyo xadgudub ah sida gudoomiyaha gudigu uu sheegay hada waxaa buuq ka jira garoonka diyaarada ee aadn cabdulle .
Dhibaatada garoonku maahan mid Maanta bilaabatay laakiin sida aan idinkugu sheegay tii cisbitaalka in ay horay u jirtay ayey tan maanta taagana u socotay dhowr bilood kahor waxaa si sharci darro ah looga saaray shaqadoodi wiilashi hagi jiray diyaaradaha marka ay dagaayaan kuwaas oo muda dheer shaqeeynaayay tababar fiicana heystay waxaana lagu badalay wiilal ka mid ah shaqaalihi muruq maalka ahaa oo loo xiray dharki shaqaalihi diyaaradaha hagaayay taaso ay ka dhalatay xitaa shil diyaarad oo aan qasaaro badan geysan.
Hadaba xagee dhibku ka heystaa magaaladan dulqaadka badan iyo shacabkan Soomaaliyeed ee Woomaalinimada jecel?
Aniga aragtideyda oo leygala doodi karo waxaan u arkaa in shacabka gobalka Banaadir qaladka inta badan leeyihiin anigoo ku saleynaayo in aan ahay muwaadin xog ogaal ah waligeed magaalada Muqdisho aanan meelna uga bixin in ay safar maalmo qaadato ku maqnaato maahee.
Ku dar soo inta aan xildhibaanka noqon meelo badan oo kala duwan ayaan ka shaqeeyay dhanka dowlada iyo kuwa shicibka ahna waa ka soo shaqeeyay sadaad darteed shacabka waxa aan eeda u saaraayo waa wax yaabo aan ogahay,
1- Shacabka wanaaga badan ee magaalada Muqdisho mayaqaanaan xaqooda iyo waajibaadkooda noloshuna waxa ay ay iskugu timaadaa labada noocaan oon sheegay oo ah xuquuq iyo waaajibaad faafaahinta ayadoo wareysi ah ayan bixin doonaa Insha allaah.
Waan idin jeclahay magaalada xamar iyo dadkeedaba alle xaqa Hana garansiiyo dhamaanteen magaalada iyo dadkiidana allaha ka dhigo kuwo aanan sabcinin ayagoon ogeyn u jeedka ka danbeeyay sacabka.
MAHADSANIDIIN:

