Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo farogelisay shaqaaqadii maanta kasoo cusboonaatay garoonka Aadan Cadde ee u dhexeysay shaqaalaha iyo shirkadda Favori ee maamusha garoonka magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo degdeg ah oo ku aadan xaaladda soo korortay.
Shaqaalaha oo maanta shaqo joojin sameeyay ayaa ka cabanaya mushahar la’aan iyo shaqo-cayrin lagu sameeyay qaar ka mid ah shaqaalaha, waxayna mudaharaad ka dhigeen gudaha garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo tallaabo degdeg ah qaaday ayaa ku baxay arrintan, waxaan warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in si guul leh loo soo afjaray cabashadii ay qabeen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.
Kulanka xallinta oo ka dhacay isla garoonka, ayaa wasiirka waxaa ku wehlinayay wasiiru-dawlaha wasaaradda gaadiidka, wasiir ku-xigeenka, agaasimaha Guud, iyo maareeyaha garoonka magaalada Muqdisho.
Sidoo kale inta uu socday kulanka madaxda wasaaradda ayaa si qoto dheer u dhageystay cabashooyinka shaqaalaha oo la xiriiray arrimo shaqo oo ku aadan garoonka iyo shirkadda maamusho.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wada-hadallo miro-dhal ah kadib la isku raacay xal waara oo lagu qanciyay dhinacyadii kala duwanaa, si ay usii socoto shaqada maalinlaha ee garoonka.
Maxay yihiin tallaabooyin la qaaday:-
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa faray shirkadda maamusha garoonka in ay si degdeg ah wax uga qabato dhammaan qodobadii ay shaqaaluhu cabashada ka muujiyeen, intii uu socday shirkii maanta.
Waxaa kale oo loo digay shirkadda Favori, iyada oo lagu amray in aysan mar dambe soo laaban cabashooyin noocaan oo kale ah, si aysan u saameyn duulimaadyada iyo shaqada guud.
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay si joogto ah ula socon doonto xaaladda shaqo ee garoonka, si loo hubiyo in xuquuqda shaqaalaha la ilaaliyo, howlaha garoonkuna u socdaan si habsami leh.
Dhanka kale, wasiirka ayaa u mahadceliyay shaqaalaha garoonka sida ay u muujiyeen dulqaadka iyo mas’uuliyadda, isagoo ku dhiirigeliyay in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda shaqo. Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay in wasaaradda ay mar walba u taagan tahay ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka shaqaalaha.
Ugu dambeyn, hawlihii garoonka ayaa dib caadi ugu soo laabtay, iyadoo la xaqiijiyay in adeegyada duulimaadyada ay dib u bilaabmeen si habsami leh. Wasaaraddu waxay cadeysay in amniga iyo badbaadada garoonku ay yihiin mudnaanta ugu sareysa.

