Wanlaweyn (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal wadajir ah oo maanta ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen aagga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu soo qabtay rag lagu tumayo dhacdadii lagu gubay marxuum Isaaq Daa’uud Maxamed.
Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay saddex nin oo lagu tumayo inay ku lug lahaayeen dhacdadaasi foosha xun.
Taliyaha ciidanka Dhulka Sahal Cabdullaahi Cumar (Janeraad Khaalid) oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in ragga lasoo xiray lagu kala magacaabo, Saalax Xuseen Cali, Cabdixamid Cabdullaahi Siidow iyo Dahir Mukhtaar Shiribow.
Jeneraal Khaalid ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha lagu wareejiyay Maxkamadda Ciidanka, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya aysan ogolaan doonin in dalka ka dhacaan falalka arxan darrada ee noocan oo kale ah.
Dhacdadii Wanlaweyn oo si wayn ay dadka uga argagaxeen ayaa dhalisay xiisad weli ka taagan duleedka degmadaasi, waxaana ay reebtay saameyn aad u xun oo durbo laga dareemay deegaanka, maadaama shalay uu dhacay dagaal xooggan oo gaystay khasaare soo gaaray qoys ku noolaa halkaasi.
“Dagaalka saaka dhacay wuxuu salka ku hayaa ninkii shalay la jir-dilay ee haddana la gubay dadkiisa ayaaa weerar soo qaaday saaka waxayna kusoo qaadeen tuulada Dadumaay, gaar ahaan dadkii dhibaatada gaystay” ayuu yiri qof kamida dadka deegaanka oo shalay hadlay.
Intii uu socday dagaalka ayaa waxaa dhacay fal kale oo argagax leh, kadib markii lagu dilay qoys ka kooban Aabe, hooyo iyo lix carruur ah oo ay dhaleen. Guriga ay daganaayeen qoyska ayaa waxaa ku dhacay qoray Baasuuke ah, kaas oo gebi ahaan basbeelay, sida uu sheegay goobjooguhu.
“Waxaa isoo gaaray in guri uu baasuuke ku dhacay oo hal famil ku baaba’een sida hooyo, ninkeeda iyo 6 carruur ah oo ay dhashay, xoolihiina meesha ayay ku baaba’een” ayuu hadalkiisa sii raaciyay..
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed ayaa labaduba si adag uga hadlay colaaddan, maadaama ay arrintu faraha ka baxday, waxaana dhinaca kale socdo howlgallo lagu doonayo in lagu soo qabto dambiileyaasha, si loo horgeeyo cadaaladda.

