26 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo kala saxiixday afar heshiis oo muhiim ah + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onine) – Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa maanta kala saxiixday 4 heshiis oo muhiim ah, kuwaas oo dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

MadaxweyneXasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyada ay kala saxiixdeen Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka ee labada dowladood.

Heshiisyada a gaaray ayaa ka mid ah iskaashi ballaaran oo ay ka mid yihiin dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah marka ay gaaraan Aljeeriya.

Sidoo kale, Heshiisyadan ayaa dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya

Madaxweynaha Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Aljeeriya kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu uga mahadceliyay dhiggiisa Aljeeriya yabooha deeq waxbarasho oo gaareysa 500 oo arday oo ay ka faa’ideysan doonaan ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan takhasusyada muhiimka u ah Soomaaliya, sida Beeraha, kalluumeysiga iyo shidaalka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale amaanay hoggaanka Madaxweyne Tabbuun ee hirgelinta “Sanduuqa Iskaashiga iyo Midnimada Afrika,” isagoo sheegay inuu yahay hindise aragti fog leh oo xoojinaya wadajirka iyo horumarka qaaradda, islamarkaana Soomaaliya ay rajaynayso inay noqoto dal ka faa’iideysta sanduuqan.

Labada Madaxweyne ayaa  dhanka kale wadajir u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb galeen xubnaha labada dal oo ku qotomay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Si kastaba, Xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

- Advertisement -

Read more

Local News