26.2 C
Mogadishu
Wednesday, November 12, 2025

Madaxda DF iyo wakiilada caalamka oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xalane ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo la xiriiray maareynta hubka iyo rasaasta.

Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyay Xafiiska Amniga Qaranka ayaa diirada lagu saaray Isku-duwidda Maareynta Hubka iyo Rasaasta, gaar ahaan ansixinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta ee sanadaha 2025–2030.

Shirka waxaa guddoominayey La-taliyaha Amniga Qaranka, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare oo ka kala socday hay’adaha dowladda iyo kuwa amniga.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca, wakiillo ka socday Wasaaradaha Amniga Gudaha, Caddaaladda, iyo hay’adaha amniga qaranka sida Booliska Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Ciidanka Asluubta, iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka qeyb galay wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, safaaradaha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ee taageera dadaallada ku aaddan maareynta hubka iyo rasaasta dalkeenna.

Wakiillada caalamka dhankooda waxaa ka socday mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay, safaaradaha dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera dadaallada lagu xoojinayo nidaamka maareynta hubka iyo rasaasta.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa lagu soo gebagebeeyay heshiis guud oo lagu xaqiijinayo hirgelinta istaraatiijiyadda cusub, iyadoo la isku raacay in Wasaaradda Gaashaandhigga Qaranka ay u gudbiso Istaraatiijiyaddan Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo loona bilaabo fulinteeda rasmiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News