26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Farmaajo oo la shaaciyay inuu 3 qodob u yimid Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib muddo uu ku maqnaa dibadda.

Xafiiska Warfaafinta ee Farmaajo ayaa shaaciyay in imaatinka madaxweynihii hore uu la xiriiro saddex qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

  1. Xoojinta dadaallada heer qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed.
  2. Qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.
  3. Adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn.

“Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safarro gaar ah oo uu ku tagay dalal dibadda ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee madaxweynihii hore.

Farmaajo ayaa maalmaha soo socda kulammo wadatashi oo gaar-gaar ah ka bilaabi doona magaalada Muqdisho, sida uu sheegay xafiiskiisa warfaafinta.

Kulamada wadatashi ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daalaa-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo madaxweynihii hore Farmaajo la qaadan doono hormuudka siyaasadda, mas’uuliyiin iyo haldoorka bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa u muuqanaysa inay haatan galeyso marxalad cusub, waxaana kusoo qulqulaya siyaasiyiintii ugu badnaa oo jilib culus ah, kuwaas oo u hanqal taagaya qabashada xilka madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale la dhisay ururro iyo isbahaysiyo cusub, si ay loolan ugu galaan madaxda Villa Soomaaliya iyo kuwa maamullada, oo iyaguna sameystay hal xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin.

- Advertisement -

Read more

Local News