Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay shati-siiyay 7 shirkadood oo bixiya maalgelimaha yar-yar ee aan dhigaalka qaban, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadda dalka.
Go’aanka shati siinta shirkadahaan ayaa yimid kadib dib-u-eegis lagu sameeyay sharciga hay’adaha maaliyaddda ee May 2025, isla markaana la meel-mariyey xeernidaamiyaha shati siinta hay’adaha bixiya amaahda yar-yar ee aan dhigaalka qaadan.
Isbeddelladan ayaa qayb ka ah hindisaha ballaaran ee lagu xoojinayo maamulka iyo hufnaanta nidaam maaliyadeedka dalka, sarena loogu qaadayo ilaalinta macaamiisha, isla markaana lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada maaliyadeed oo loo dhan yahay.
Shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar ayuu Bankigu sheegay inay door muhiim ah ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka, iyagoo suurta-gelinaya in qoysaska Soomaaliyeed, ganacsatada yar-yar, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada oo aan weli qeyb ka ahayn nidaamka bangiyada rasmiga ah, oo hadda tiirsan kaalmo qoys ama deyn ganacsi oo wakhtigeedu gaaban yahay ay helaan maalgelin maaliyadeed.
Si kastaba, shati-bixintan ayaa waxay shirkadaha fursad u siinaysaa inay bixiyaan adeegyo maaliyadeed oo waafaqan shareecada Islaamka, isla markaana fudud, oo u adeegaya bulshada aan si buuxda uga faa’iideysan nidaamka bangiyada ganacsiga.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Bankiga Dhexe oo dhameystiran:
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dadka iyo ganacsatada Soomaaliyeed, in uu ansixiyay shatisiintii ugu horreeyay ee shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar ee aan dhigaalka qaban, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nidaamka maaliyadda dalka, waxaana ilaa hadda shatiga qaatay todoba (7) shirkadood.
Shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar, ee uu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya shatiga siiyey, ka dib markii ay soo buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa, waxay kala yihiin:
1. KIMS Microfinance Institution
2. Bushra Microfinance Ltd
3. Maal Microfinance Ltd
4. Midnimo Microfinance
5. RAAS Microfinance
6. Asal Microfinance
7. Haldoor Microfinance
Go’aanka shati-siinta shirkadahaan ayaa yimid kadib dib-u-eegistii lagu sameeyay Sharciga Hay’adaha Maaliyaddda (Financial Institutions Law) ee May 2025, isla-markaana la meel-mariyey Xeernidaamiyaha Shati-siinta Hay’adaha Bixiiya Amaahda Yar-yar ee aan Dhigaalaka Qaadan (Licensing Regulation for Non-Deposit-Taking MFIs).
Xeerarka sare ku xusan waxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya siinayaan waajibaad sharci oo uu ku kor-joogteeyo shirkadahaas.
Isbeddelladan waxay qayb ka yihiin hindisaha ballaaran ee ku xoojinayo maamulka iyo hufnaanta nidaam maaliyadeedka dalka, sarana loogu qaadayo ilaalinta macaamiisha, isla markaana lagu ballaarinayo helitaanka adeegyada maaliyadeed oo loo dhan yahay.
Shirkadaha Bixiya Maalgelimaha Yar-yar waxay door muhiim ah ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka, waxeyna suurtagelinayaan in qoysaska Soomaaliyeed, ganacsatada yar-yar, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada oo aan weli qeyb ka ahayn nidaamka bangiyada rasmiga ah, oo hadda tiirsan kaalmo qoys, ama deyn ganacsi oo wakhtigeedu gaaban yahay ay helaan maalgelin maaliyadeed.
Sidaasi darteed, shati-bixintani waxay shirkadaha fursad u siinaysaa inay bixiyaan adeegyo maaliyadeed oo waafaqan Shareecada Islaamka, isla-markaana fudud, oo lana heli karo, una adeegaya bulshada aan si buuxda uga faa’iideysan nidaamka bangiyada ganacsiga.
Sidoo kale, shati-bixintani waxay dhiirrigelinaysaa shaqo-abuurka dadka iskood u shaqeysta (self-employment), kobcinaysaa ganacsiyada yaryar, taageereysaa qoysaska dakhligoodu hooseeyo, sidaas darteedna waxay qeyb ka tahay dedaalka loogu jiro yareynta saboolnimada iyo sare u qaadista koboca dhaqaalaha dalka.
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, oo tilmaamaya muhimadda uu leeyahay arrinkani ayaa yiri: “Shati-siinta kooxdii ugu horreysay ee shirkadaha bixiya maalgelimaha yar-yar ee dalka, waa dhacdo taariikhi ah taas oo muujineysa horumarka muuqda oo uu gaaray nidaamka maaliyadeed ee dalka.”
“Sidoo kale waxey tusaale u tahay ballanqaadka Bankiga Dhexe ee ku aaddan dhisidda nidaam maaliyadeed oo loo dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, si loo kordhiyo fursadaha adeegga maaliyadeed ay heli keraan shacabka Soomaaliyeed.”
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu sii wadi doonaa la-socodka iyo kormeerka guud ee shirkadaha maaligelimaha yar-yar, wuxuuna soo saari doonaa tilmaamo kormeer oo dheeraad ah marka loo baahdo, isla markaana wuxuu la shaqeyn doonaa daneeyeyaasha oo dhan, si loo xoojiyo xirfadaha shirkadaha shatiga qaatay.
—
Fiiro Gaar ah:
Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku wargelinayaa shirkadaha Bixiya Maalgelinta Yar-yar ee dalka ka howlgala ee aan weli soo dalban shati, inay degdeg usoo gudbiyaan codsiyada shatiga ugu dambayn 6-da Diseembar 2025.
Shirkaddii aan kusoo gudbin codsigooda shatiga muddada loo qabtay, waxay ku xad-gudbeysaa Sharciga Hay’adaha Maaliyadeed iyo Xeernidaamiyaha Shati-siinta Hay’adaha Bixiya Maalgelimaha Yar-yar, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka.
Dhammaad

