27.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Khilaaf xasaasi ah oo ka dhex-qarxay Golaha Mustaqbalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhowaan la filayaa in Kismaayo uu ka qabsoomo shir ay ka soo qayb galayaan siyaasiyiinta ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay maamullada Jubaland iyo Puntland horseed ka yihiin.

Si kastaba, caqabad aan la filayn ayaa soo food saartay qabanqaabiyayaasha shirka, oo markii hore aan loo sheegin in ka-qaybgalka Xildhibaannada iyo Senatarrada Somaliland ee doorasho dadban lagaga hadli doono.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo ku doodaya in dhammaan xildhibaannada iyo Senatarrada uu maamulkiisu soo xulay ay daacad u yihiin siyaasaddiisa ku aaddan Dowladda Federaalka, ayaa taageeray mowqif uu Madaxweynaha Puntland soo qaatay 2023-kii markii uu joojiyay wada-shaqeynta uu la leeyahay hay’adaha federaalka.

Dhammaan xildhibaannada iyo Senatarrada uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni soo xulay ayaa taageeray siyaasadda Dowladda Federaalka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka ku-meel-gaar ka ah.

Maamulka Jubaland wuxuu ku doodayaa in xildhibaannada iyo Senatarrada Somaliland noqdaan xubno sharafeed inta Somaliland sheeganayso inay dal gaar ah tahay kana soo jeeddo qarannimada Soomaaliya. Ma cadda sida uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, u arko mowqifka ay Puntland iyo Jubaland ku mideysan yihiin hadda.

Xubno ka tirsanaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku biiray xisbi lagaga dhawaaqay Turkiga. Waxaa xubnahaas ka mid ah Cabdi Faarax Shirdoon, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Xisbigan ayaa sidoo kale uu ku jira Fahad Yaasiin.

Golaha ayaa bayaan dhowr qodob ka kooban oo uu soo saaray 12-kii November, ku iclaamiyay shirweyne wada-tashi ah oo ay sheegeen inay ku qaban doonaan gudaha dalka, kaas oo looga hadli doono mustaqbalka dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, Golaha ayaa war-saxaafadeedka ku sheegay inuu si cad uga soo horjeedo in muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo digniin culus ka soo saaray.

Waxaa kale oo ay diideen wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso iyada oo weli is mariwaa uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan in la aado qof iyo cod, si ay shacabka usoo doortaan hoggaankooda.

- Advertisement -

Read more

Local News