Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in shacabka Somaliland aan mar dambe lagu xannibi doonin fiisaha e-visa ee dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay si rasmi ah u dhammaatay Jimcihii ka dib dadaallo ay sameeyeen wasaaradaha khuseeya.
Mas’uuliyiin heer wasiir ah oo loo xil-saaray arrimaha hawada ayaa sheegay in qof kasta oo u safraya Somaliland aan laga weydiin doonin fiisaha Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay inay wada-hadallo la yeesheen dalal badan iyo hay’adaha caalamiga ah, isla markaana ay u caddeeyeen in Soomaaliya aanay wax maamul ah ku lahayn hawada Somaliland. Wuxuu xusay in Ururka IATA uu aqbalay in Somaliland leedahay awood buuxda oo ay ku maamuli karto hawadeeda iyo madaarradeeda.
Sidoo kale, Wasiirka Duulista Fu’aad Axmed Nuux ayaa shaaciyay in nidaamkii e-visa ee Soomaaliya ay ku soo rogtay dadka u socda Somaliland uu shalay ku ekaaday, isla markaana qof kasta oo imanaya Somaliland uu dal-ku-galka toos uga qaadanayo madaarrada Hargeysa iyo Berbera. Wuxuu sheegay in isku dayadii Soomaaliya ay ku doonaysay inay cadaadis ku saarto Somaliland – sida qabashada fiisaha iyo mamnuucidda Taiwan – ay dhammaantood fashileen.
Ma jiro wax caddeymo ah oo taageeraya sheegashada Somaliland, waxaana weli dadka u soo safraya Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland ay sheegayaan in la weydiinayo e-visa.
Dhanka kale, Somaliland ayaa intaas ku dartay inay weli waddo dadaal ay si buuxda ula wareegto maamulka hawada, isla markaana ay sii wado dhismaha shuruucda loo baahan yahay. Wasaaraddu waxay sheegtay in laga bilaabo 10-kii November diyaaradaha maraya hawada Somaliland ay amar buuxa ka qaadanayaan Hargeysa, taas oo ay ku tilmaameen guul diblomaasiyadeed.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrinta fiisaha, iyadoo Safaaradda Mareykanka ay shaacisay in nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya la jabsaday oo xogtooda laga xaday ku dhowaad 35,000 ruux.
Sidoo kale, dowladda UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay jabsashadan maalintii Jimcaha, maalin kaddib markii uu Mareykanku soo saaray digniin la mid ah. Labada dalba waxay sheegeen inay hayaan “eedeymo lagu kalsoonaan karo” oo muujinaya in jabsashada lagu kashifay xogta shakhsiyeed ee ugu yaraan 35,000 oo socoto ah.
Mas’uuliyiinta Soomaalida weli kama aysan hadlin jabsashadan. Balse dowladda ayaa adeeggeeda fiisaha ka wareejisay evisa.gov.so una guurtay etas.gov.so, iyadoon bixin wax sharraxaad rasmi ah.
Dowladda Soomaaliya hore ayay u sheegtay in e-visa-ha cusub uu muhiim u yahay amniga qaranka, isla markaana uu khuseeyo dhammaan dadka u safraya gudaha dalka, oo ay Somaliland ku jirto.

