Muqdisho (Caasimada Online) — Dhacdooyin isdaba joog ah oo la sheegay inay yihiin xadgudubyo lagula kacay dad Soomaaliyeed oo safar ah garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ayaa kiciyay walaac xooggan oo ku saabsan hawlgallada Shirkadda Turkish Airlines ee dalka. Mid ka mid ah maamule sare oo ka tirsan shirkadda ayaa lagu eedeeyay inuu si isdaba joog ah u bahdilo rakaabka, ugana hor istaago si aan sharci ahayn inay duulaan.
Sarkaalkan, oo rakaabku ay magaciisa ku sheegeen oo keliya Turhan, ayaa lagu eedeeyay inuu adeegsado awood ballaaran oo aan lala xisaabtamin oo ku aaddan go’aamada diyaarad raacista, taasoo keentay in qaar ka mid ah dadkii safarka ahaa ay ku xayirmaan, ay lacagtoodii ka khasaarto, ayna la kulmaan bahdilaad.
Sida ku xusan warbixinno kala duwan oo ay wadaageen rakaab iyo dad goob joog ahaa, maamulaha ayaa la sheegay inuu muwaadiniin Soomaaliyeed u diiday inay diyaaradda raacaan, uu amar ku bixiyay in la xiro iyadoo aan la siin sharraxaad cad, uuna diiday inuu u jaro tikidho beddel ah.
Dadka ay arrintani saamaysay waxay sheegeen in dhacdooyinku ay u gaysteen khasaare maaliyadeed iyo dhibaato nafsi ah — ayna u muuqato in si gaar ah loo beegsanayo Soomaalida oo keliya.
Mid ka mid ah kiisaska ugu caansan waxaa ku lug leh Abdi Addow oo caan ka ah baraha bulshada, iyo Abdifatah Faisal Hussein, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya. Ka dib markii ay dhammeeyeen habraacyadii caadiga ahaa ee diyaarad raacista ka horreeyay, ayaa la labadooda lagu hor istaagay iridda laga baxo.
Rakaabku waxay sheegeen in maamuluhu uu u diiday inay diyaaradda galaan, isla markaana uu iska indha tiray ilaalada amniga garoonka iyo mas’uuliyiin isku dayay inay soo farageliyaan, uuna oggolaaday oo keliya kaddib baryootan isdaba joog ah.
“Xilli aan safka ugu jirnay inaan diyaaradda galno, ayuu na hor istaagay. ‘Ku noqda meeshii aad ka timaadeen,’ ayuu yiri, ka hor inta uusan si xoog ah albaabka nooga soo xirin,” ayuu Addow ku qoray qoraal uu Sabtidii soo dhigay bartiisa Facebook.
Wuxuu ku tilmaamay awoodda maamulaha mid si dhab ah aan loola xisaabtami karin.
“Ma garanayo meesha uu ka keeno awooddan dheeraadka ah. Wuxuu kula dhaqmaa si xun oo xad-dhaaf ah Soomaalida. Ma jirto meel looga ashtakoodo, mana jiro qof joojinaya,” ayuu yiri Addow.
Rakaabku waxay sheegeen in kiiskani uusan ahayn mid keli ah. Dhacdo kale, wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah oo ka yimid Sweden ayaa la sheegay in la xiray iyadoo aan wax sharraxaad ah la siin, loona diiday wax magdhow ah ama qabanqaabo kale oo safar.
“Laba maalmood ka hor, wiil dhalinyaro ah oo Sweden ka yimid ayaa laga hor istaagay inuu diyaarad raaco waana la xiray. Looma soo bandhigin tikidh beddel ah. Ma inuu mid cusub iibsadaa?” ayuu Addow isweydiiyay.
Wuxuu sii waday inuu su’aal geliyo nidaamka ballaaran ee ku xeeran hawlgallada shirkadda ee Muqdisho: “Yaa looga ashtakoon karaa ninkan? Yaa loo igmaday inuu baaro arrimahan? Ma waxaan ku jirnaa gumeysi aan muuqan, mise waa dhibaato ku kooban shakhsi ku takri falaya awooddiisa?”
Eedeymahan waxay ka careysiiyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo u arka dhacdooyinkan la soo weriyey inay qayb ka yihiin hab dhaqan salka ku haya in shaqaalaha shirkaddu ay ku shaqeeyaan awood ku dhow mid aan xad lahayn, xitaa iyagoo ka tallaabsanaya amniga garoonka iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah.
Rakaabka sheegay in si xun loola dhaqmay waxay tilmaameen inaysan haysan wax waddo ah oo ay cabashadooda ku gudbiyaan, taasoo dhalinaysa su’aalo degdeg ah oo ku saabsan la xisaabtanka iyo kormeerka.
Kiis kale oo dhowaan dhacay waxaa sidoo kale soo bandhigay qof baraha bulshada looga yaqaan “Somali Gamer,” kaasoo sheegay in isla sarkaalkani uu ka jiiday jaranjaradii diyaaradda. Wuxuu ku andacooday in ninkani uusan xirnayn wax darees ah ama aqoonsi muuqda intii uu awooddiisa adeegsanayay.
Shirkadda Turkish Airlines waxay door udub-dhexaad ah ka qaadatay dib isugu xiridda Muqdisho iyo caalamka intiisa kale, iyadoo duulimaadyadeeda loo arko inay yihiin halbowle muhiim ah oo isku xira Soomaaliya iyo caalamka. Balse, dhacdooyinkan dhowaan la soo warramay waxay muujinayaan in Soomaalida qaarkood, helitaanka halbowlahaas muhiimka ah ay ku timaaddo qiimo ah bahdilaad fagaare ah — waana tanaasul ay dad badani hadda leeyihiin waa mid aan la qaadan karin.
Isagoo ka falcelinaya dhibaatadii isaga ku dhacday, Addow wuxuu ku baaqay in la qaadaco shirkadda.
“Mar dambe ma raaci doono Shirkadda Turkish Airlines ilaa ninkan laga saaro shaqada, waxaana uga digayaa Soomaalida inay lacagtooda ku beddeshtaan bahdilaad,” ayuu yiri.
Mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa ka war haya cabashooyinka, sida ay sheegeen dad xog ogaal u ah xaaladda, balse waxay illaa hadda ku guul-darraysteen inay xaqiijiyaan in shaqaalaha shirkaddu ay u hoggaansamaan mabaadi’da ka ilaalinaya rakaabka takoorka iyo ku takri-falka awoodda.
Rakaabka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa hadda ku baaqaya in baaritaan degdeg ah oo daah-furan lagu sameeyo xadgudubyada la soo warramay, iyo sidoo kale in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo looga hortagayo tacaddiyo kale.

