Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dib usoo laabashada Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dhawaan lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.
Fiqi ayaa weerar toos ah ku qaaday Farmaajo iyo kooxdiisa, wuxuuna tilmaamay in sanadkan aysan waxba qaadi karin marka loo eego loolanka adag ee doorashada.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay soo dhaweynayaan, maadaama ay soo guryo noqdeen, balse loo baahan yahay in dadkooda ay dhinac ka raacaan, sida uu hadalka u dhigay.
“Team-ka cusub ee Farmaajo magaalada waan kusoo dhaweyneynaa, laakiin sanadkan inay wax ka qaadi doonaan u maleyn maayo ee dadkooda dhinac haka raacaano”. ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Waxaa kale oo uu sii raaciyey “Waxaan leeyahay saaxiibadey Cabdiraxmaan Dheere iyo Cabdishakuur Mire magaalkan dhib kama jiree nabad ku jooga”.
Soo laabashada Farmajo ayaa lagu sababeeyay saddex arrimood oo xasaasi ah, sida lagu sheegay qoraal uu shaacisay xafiiskiisa, kuwaas oo kala ah:
- Xoojinta dadaallada heer qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed.
- Qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.
- Adkaynta midnimada dalka oo wajahaysa halis weyn.
“Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib safarro gaar ah oo uu ku tagay dalal dibadda ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee madaxweynihii hore.
Sidoo kale Farmaajo ayaa haatan bilaabay kulammo wadatashi oo gaar-gaar ah oo uu la qaadanayo ururrada bulshada iyo siyaasiyiinta, kuwaas oo diiradda saarayo xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daalaa-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo madaxweynihii hore Farmaajo la qaadan doono hormuudka siyaasadda, mas’uuliyiin iyo haldoorka bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho ayaa u muuqanaysa inay haatan galeyso marxalad cusub, waxaana kusoo qulqulaya siyaasiyiintii ugu badnaa oo jilib culus ah, kuwaas oo u hanqal taagaya qabashada xilka madaxweynaha.

