26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Hay’adda socdaalka oo war kasoo saartay jabsashada e-Visa iyo tallaabo ay qaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in uu dhacay “xad-gudub sharci darro ah” oo lagu beegsaday nidaamka e-Visa.

Hay’adda ayaa sheegtay in isla markii ay arrintu soo baxday ay qaaday tallaabooyin deg-deg ah oo lagu hakiyay, laguna baarayo falkaan, si loo yareeyo saamaynta uu yeelan karo.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan siisay muhiimad gaar ah, iyadoo loo magacaabay guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda.

Guddiga baaritaan ee la magacaabay ayaa waxay hay’addu sheegtay inay baaritaan qoto dheer ku sameynayaan baaxadda isku dayga xad-gudubka ah, halka uu ka yimid iyo saamaynta uu yeelan karo.

Hay’adda ayaa sheegtay in marka baaritaanka rasmiga ah la soo gaba-gabeeyo la soo saari doono warbixin dhammaystiran oo faah-faahinaya natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaaday.

“HSJ waxa ay ka xun tahay dhacdadan, waxaana ay mar kale xaqiijinaysaa in ilaalinta xogta dadka iyo adeegyaga qaranka ay tahay mudnaanta koowaad,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxa ay xaqiijineysaa in ay ogaatay xadgudub sharci–darro ah oo lagu beegsaday qeybo ka mid ah xogta rakaabka u socdaalaya Soomaaliya (e-TAS).

Isla markii arrintu soo baxday, Hay’addu waxa ay qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu hakiyay laguna baarayo falkan, si loo yareeyo saamaynta uu yeelan karo.

Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan siisay muhiimad gaar ah, iyadoo loo magacaabay guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta.

Guddigu waxa uu baaritaan ku sameynayaa baaxadda isku dayga xadgudubka ah, halka uu ka yimid, iyo saamaynta uu yeelan karo.

Marka baaritaanka rasmiga ah la soo gabagabeeyo, waxa la soo saari doonaa warbixin dhammaystiran oo faahfaahinaysa natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay, iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaaday.

Inta lagu jiro muddada baaritaanka, dhammaan dadka laga yaabo in ay saamayn ku yeelatay arrintan si toos ah ayaa loogu wargelin doonaa, waxaana la adeegsaan doonaa oo keliya marinada rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay ku boorinaysaa shacabka iyo Socdaalayaasha caalamiga ah in ay macluumaadkooda ka helaan oo keliya Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, si looga hortago xog khaldan ama marin–habaaw.

HSJ waxa ay ka xun tahay dhacdadan, waxaana ay mar kale xaqiijinaysaa in ilaalinta xogta dadka iyo adeegyaga qaranka ay tahay mudnaanta koowaad. Hay’addu waxa ay xoojinaysaa nidaamyada amniga dijitaalka ah, oo ay ku jiraan heerarka casriga ah ee xog–ilaalinta iyo multi-factor authentication dhammaan adeegyada HSJ.

- Advertisement -

Read more

Local News