26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Agaasime ku-xigeenkii hay’adda socdaalka oo xilka laga qaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Maxamed Kaasim inuu noqdo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.

Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo howlaha hortabinta u leh hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Tan ayaa door weyn ka qaadaneysa sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee ay hay’addu u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ajaanibta, sida lagu yiri wareegtada.

Wasiirka ayaa kula dardaarmay agaasimaha cusub in uu si hufan, masuuliyad iyo daacadnimo leh u guto waajibaadkiisa shaqo, isla markaana uu hormuud u noqdo dadaallada hay’addu ku horumarinayso adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u qabato.

Wasaaradda Amniga Gudaha waxay mar kale adkeynaysaa go’aankeeda ku aaddan xoojinta maamulka, kor u qaadidda hufnaanta shaqo, iyo dhiirrigelinta adeegyada dowladeed, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka.

Agaasime Maxamed Kaasim ayaa beddelaya Xuseen Cabdullaahi Sheekh, oo haatan hayay xilka Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli ay hay’addu xaqiijisay in uu dhacay “xad-gudub sharci darro ah” oo lagu beegsaday nidaamka e-Visa, iyadoo sheegtay in isla markiiba ay qaaday tallaabooyin deg-deg ah oo lagu hakiyay, laguna baarayo falkaas, si loo yareeyo saamaynta uu yeelan karo.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay arrintan siisay muhiimad gaar ah, iyadoo loo magacaabay guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda.

Guddiga baaritaan ee la magacaabay ayaa waxay hay’addu sheegtay inay baaritaan qoto dheer ku sameynayaan baaxadda isku dayga xad-gudubka ah, halka uu ka yimid iyo saamaynta uu yeelan karo.

Hay’adda ayaa sheegtay in marka baaritaanka rasmiga ah la soo gaba-gabeeyo la soo saari doono warbixin dhammaystiran oo faah-faahinaysa natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaaday.

Sidoo kale waxay sheegtay inay xoojinayso nidaamyada amniga dijitaalka ah, oo ay ku jiraan heerarka casriga ah ee xog ilaalinta iyo multi-factor authentication dhammaan adeegyada hay’adda.

- Advertisement -

Read more

Local News