Guriceel (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay ganacsade caan ka ahaa magaalada.
Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jirey Deeq Cabdi Jaamac ayaa la sheegay in koox hubeysan ay ku beegsadeen gudaha magaalada, xilli uu kasoo baxay salaadda maqrib.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in falka dilka ah uu dhacay si kedis ah, isla markaana uusan jirin wax dood ama muran ka horreeyay, taas oo sare u qaaday su’aalaha la iska weydiinayo sababta loo bartilmaameedsaday ganacsadahan.
Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta si dhaqso ah uga baxsaday, mana jirto ilaa hadda cid loo soo qabtay, inkastoo booliska magaalada ay bilaabeen baaritaan hordhac ah.
Laamaha amniga ee Guriceel ayaa goobta gaaray waxyar kadib dilka, waxayna sheegeen in ay wadaan baaritaano lagu raadinayo kooxdii falka ka dambeysay.
Dilka caawa ayaa qeyb ka ah dilal qorsheysan oo ka dhaca gudaha magaalada Guriceel, kuwaas oo inta badan loo tiriyo aanooyinka qabiil iyo kooxda Al-Shabaab, oo mararka qaar falal noocaan ah ka geysata gobolka.
Galmudug ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, iyadoo weli uu maamulka u maaro la’yahay falalka noocaan ah oo ay ku baxeen dad badan oo wax-gal ah iyo kuwa aan waxba galabsan.



