Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay kulamo socday muddo 4 maalmood ah oo looga hadlayay wax ka beddealka dastuurka KMG ah, kuwaas oo ay yeesheen guddiyada u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka.
Guddiyada ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan Dastuurka oo ay weli diidan yihiin in wax laga beddalo Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka dalka.
Kulammadan soo socday afartii cisho ee lasoo dhaafay ayaa labada guddi ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka waxa ay kusoo bandhigeen soo jeedimaha wax ka beddelka cutubyada 5-aad, ilaa 9aad ee Dastuurka iyo warbixin faah-faahinaysa soo jeedimaha la sameeyay.
Sidoo kale, intii ay socdeen kulammadan waxay xubnaha labada guddi ku lafagureen:
- Cutubka 5aad: Nidaamka Federaalka iyo Baahsanaanta awoodda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
- Cutubka 6aad: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya;
- Cutubka 7aad: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
- Cutubka 8aad: Golaha Wasiirrada; iyo
- Cutubka 9aad: Garsoorka.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Burhaan Aadan Cumar iyo Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlaamka Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow) oo si wadajir ah u shir guddoomiyey kulammada dhacay ayaa u mahadceliyey dhammaan xubnaha labada guddi iyo dhabar adeegga ay muujiyeen intii lagu guda-jiray soo bandhigidda cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka iyo warbixin faahfaahinaysa soojeedimaha.
Horay Villa Somalia oo kaashaneysa Baarlamaanka ayaa ku guuleystay in wax laga beddalo afarta cutub ee ugu horreyso Dastuurka, taas oo keentay qaylo dhaan wayn oo ka timid mucaaradka iyo labada maamul goboleed ee kasoo horjeedo dowladda federaalka, waxayna arrintaas dhalisay xiisad siyaasadeed oo ilaa iyo hadda ka taagan gudaha dalka.
Tallaabadan kale iyo isku deyga haatan la doonayo in lagu sii wado wax ka beddalka qodobada Dastuurka ayaa uga sii dari karta xaaladda murugsan ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka jira hannaanka doorashooyinka dalka.


