27.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

DF oo soo rogtay nidaamka ECTN ee maraakiibta, si la mid nidaamka e-visa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadday tallaabo xasaasi ah oo ay ku adkaynayso gacan-ku-haynta xuduudaha badda ee dalka, isla markaana ay hal meel isugu geynayso maamulka iyo kormeerka guud ee ganacsiga caalamiga ah.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa soo saartay amar culus oo faraya in si degdeg ah loo dhaqangaliyo nidaamka elektaroonigga ah ee raadraaca maraakiibta shixnadaha (ECTN). Wasaaradda ayaa ku hanjabtay in ciddii u hoggaansami weyda amarkan ay wajihi doonto ciqaab adag oo isugu jirta in hantidooda lala wareego iyo in sharciga la tiigsado.

Xogaha iyo dukumeentiyada ay heshay Somalia Today ayaa muujinaya in nidaamka ECTN uu haatan yahay mid “si buuxda u hawlgalay, waajibna ku ah” dhammaan badeecadaha ka soo degaya ama ka dhoofaya deked kasta oo ku taal Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Nidaamkan, oo u shaqaynaya sidii “Aqoonsi dhijitaal ah” (Digital Passport) oo ay leedahay badeecaddu, wuxuu dowladda u suuragelinayaa inay il gaar ah ku hayso dhaqdhaqaaqa shixnadaha, laga soo bilaabo dekedda ay ka soo ambabaxeen ilaa ay ka soo gaaraan halka ay u socdaan ee gudaha Soomaaliya.

Haddii la waayo nidaamkan, waxaa dekedaha dalka soo gali kara kunteenarro aan la hubin waxa ku jira. Tani waxay albaabada u furaysay in qiimaha dhabta ah ee badeecadda laga been sheego si canshuurta loola dhuunto—arrintaas oo dowladda ku haysay khasaare maaliyadeed oo baaxad leh—ama waxay fududaynaysay in dalka la soo geliyo alaabooyin sharci-darro ah oo amniga khatar ku ah.

Iyadoo shardi laga dhigayo in lambarka raadraaca ee rasmiga ah uu ku qornaado Warqadda Rarka (Bill of Lading) ka hor inta uusan markabku soo xiran, dowladdu waxay xaqiijinaysaa in weel kasta oo ganacsi oo dalka soo galaya la diiwaangeliyo, si hufanna loo canshuuro.

Tallaabo dhanka casriyeynta loo qaaday

In kasta oo amarkani uu dhaliyay guux siyaasadeed, haddana khubarada dhaqaalahu waxay tallaabadan ku tilmaameen mid lama huraan ah oo muddo soo daahday, taas oo fure u ah madax-bannaanida dhaqaale iyo sugidda amniga qaranka.

Dr. Liibaan Cabdullaahi, oo ah dhaqaaleyahan ku sugan Muqdisho, ayaa ku dooday in nidaamkani uu halbowlaha u yahay dal doonaya inuu ka soo kabto tobanaan sano oo ganacsi aan nidaamsanayn.

“Arrintu ma ahan uun waraaqo xafiisyo la isaga gudbiyo; ee waa soo celinta haybaddii iyo madax-bannaanidii dhaqaale ee qaranka,” ayuu yiri Liibaan Cabdullaahi.

“Muddo dheer, dekedaha Soomaaliya waxay u shaqaynayeen si mugdi ah (Black boxes). Nidaamka ECTN wuxuu ina soo gaarsiinayaa qarniga 21-aad, isagoo hannaankeenna ganacsi la jaanqaadsiinaya heerarka caalamiga ah ee ay adeegsato dunida casriga ah.”

Liibaan wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in faa’iidada arrintani aysan ku koobnayn dakhliga dowladda oo kaliya, balse ay dan ugu jirto ganacsatada xalaasha ah.

“Ganacsatada sharciga dhowrta waa inay soo dhaweeyaan tallaabadan. Waxay meesha ka saaraysaa tartanka aan dheellitirnayn ee kaga imaanaya kuwa wax tahriibiya iyo kuwa canshuurta lunsada,” ayuu xusay. “Nidaam dhijitaal ah oo loo siman yahay wuxuu abuurayaa garoon ganacsi oo hufan, taas oo ah shuruud ay maalgashadayaasha caalamiga ah u baahan yihiin ka hor inta aysan hantidooda soo gelin dalka.”

Khilaafka dowlad goboleedyada iyo isbarbar-dhigga e-visa

Warqadda rasmiga ah, oo ku taariikhaysan 30-ka Sebtembar 2025, ayaa si cad u qeexaysa in xeerarku ay shaqaynayaan “iyadoo aan loo eegayn nidaamka maamul ee ka jira deegaanadaas.”

Eray-bixintan ayaa si toos ah u xaqiijinaysa awoodda dowladda federaalku u leedahay dekedaha ku yaalla Dowlad Goboleedyada, gaar ahaan Puntland, Jubbaland, iyo Somaliland, oo ah maamullo fallaago ka ah nidaamka federaalka.

Qorshahan wuxuu si dhow u shabbahaa khilaafkii ka dhashay nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (E-visa). Somaliland iyo Puntland ayaa hore u qaadacay shuruudda E-visa-ha federaalka, iyagoo sabab uga dhigay walaac dhanka amniga xogta ah.

Dadka odorosa siyaasadda ayaa ka cabsi qaba in amarka ECTN uu wajaho iska-caabin taas la mid ah, taas oo shirkadaha maraakiibta ku qasbi karta xaalad adag oo ah inay kala doortaan amarka dowladda dhexe iyo kan maamullada maxalliga ah, taas oo keeni karta “canshuur laba-dible ah.”

Iyadoo ay jirto xurguftaas gudaha ah, haddana dowladda federaalku waxay qorshahan u waddaa si kalsooni leh, iyadoo taageero xooggan ka helaysa beesha caalamka. Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in Midowga Yurub uu taageersan yahay hirgelinta ECTN, iyagoo u arka aalad muhiim u ah xakameynta hubka sharci-darrada ah iyo maalgelinta dhismaha dowladnimada.

Siyaasaddan waxaa sii xoojinaya iskaashi dhanka amniga ah oo muuqda. Soo xirashadii dhawaan ee Markabka Ciidanka Badda Turkiga ee F514 uu ku soo xirtay Dekedda Muqdisho ayaa astaan u ah sida uu u sii qoto dheeraanayo xiriirka difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Iskaashigan ayaa Muqdisho siinaya “kalsooni istiraatiiji ah” oo ay ku meel-mariso go’aannada masiiriga ah ee madax-bannaanida la xiriira.

Ciqaabo adag oo ka dhalanaya u hoggaansamid la’aanta

Hab-raacyada fulintu waa kuwo aan gorgortan lahayn. Wasaaradda ayaa ka digtay in isku day kasta oo lagu hareer marayo amarkan uu keeni doono “cawaaqib xumo sharci,” oo ay ku jiraan ganaaxyo maamul, hantida oo lala wareego, iyo ruqsadda shaqada oo la hakiyo.

“Dhammaan soo-dejiyayaasha, dhoofiyayaasha, milkiilayaasha maraakiibta iyo wakiillada kastamka waxaa la farayaa inay si adag u raacaan shuruudaha la dajiyay,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda.

Marka la eego sida dardarta leh ee fulintu u socoto, fariinta ka imaanaysa Muqdisho waa mid cad: Waqtigii marinka badda ee bilaa sharciga ahaa wuu dhammaaday, waxaana lagu beddelay nidaam ganacsi oo dhexe, dhijitaal ah, si adagna loola socdo.

- Advertisement -

Read more

Local News