28.1 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Jubbaland oo lasoo baxeysa macdanteeda iyo dalka caawinaya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)  – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa haatan bilaabay qorshe culus oo uu ku doonayo inuu ku qoto macdanta ku jirta deegaanka, si looga faa’iideysto khayraadka dabiiciga ah, korna loogu qaado dhaqaalaha deegaanka.

Jubbaland oo ka duuleyso arrintan ayaa wafdi culus u dirtay dalka Kenya, waxaana hoggaaminaya agaasimaha guud ee wasaaradda batroolka iyo macdanta Ayaanle Xuseen Maxamed, kaas oo booqasho shaqo ku tegay Macalder Mine oo ku taalla gobolka Migori ee dalkaaasi.

Ujeedka  safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Jubbaland ku doonayso inay si rasmi ah ugu gasho marxalad cusub oo ku saabsan soosaarista macdanta, maareynta khayraadka dabiiciga ah, iyo kor u qaadidda dhaqaalaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa booqashadan qayb ka ah khubaro ka socota Intergovernmental Forum on Mining (IGF),, iyada oo inta uu kormeerku socday, wafdigu ay indha-indhayn ku sameeyeen, Sida Kenya u maareyso macdanta yaryar (artisanal & small-scale mining).

Waxaa kale oo ay qiimeeyeen hababka loo maareeyo goobaha macdanta ee hore loo dayacay iyo Farsamooyinka casriga ah ee loo adeegsado xidhitaanka, nadiifinta iyo dib-u-soo-kabashada goobaha qodista.

Wafdiga waxay qaateen casharro ku saabsan sidii loo dhisi lahaa hannaan macdaneed oo waara, ammaan ah, lana socdo heerarka caalamiga ah.

Si kastaba’ ha’ahaateen, Jubbaland ayaa qorsheynaysa in waayo-aragnimada iyo casharrada ay ka kororsatay booqashadan ay u adeegso dhismaha nidaam macdaneed.

- Advertisement -

Read more

Local News