Hargeysa (Caasimada Online) – Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA) ayaa ka laabtay tallaabadii uu Somaliland uga saaray nidaamka e-Visa, kaasi oo waajib ka dhigaya in fiisaha elektaroonigga la qaato ka hor inta aan laga degin garoomada dalka, oo kamid yahay kan Hargeysa.
Go’aanka ay maanta ka laabatay IATA ayaa daba socday markii ay banaanka usoo baxday in la jabsaday xogta e-Visa, ayna kumanaan isticmaalay nidaamkan ay xogtooda u gacan gashay kooxo lagu sheegay burcad, isla markaana Mareykanka uu kasoo saaray digniin amni.
Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa markaas xaqiijisay in kooxo burcad ah dhacday barmaamijkii ay Dowladda Soomaaliya samaysay ee e-visa, iyadoo mareegta laga xaday xogta iyo dhammaanba macluumadka kummaaanan qof oo nidaamkan iska diiwaangeliyay.
Sidoo kale, shirkadda Flydubai oo iyaduna dhawaan sheegtay in rakaabka u safraya Somaliland ay fiiso ka qaadan karaan marka ay ka soo degaan garoomada Hargeysa iyo Berbera, ayaa gebi ahaanba haatan ka laabatay, iyadoo boggeeda rasmiga ah ku daabacday in rakaabka u safraya garoomada Somaliland looga baahan yahay e -Visa.
Cusbooneysiintan ayaa timid kadib markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday tallaabooyin ay ku xoojinayso nidaamka fiisaha elektaroonigga kadib dhacdada jabinta xogta, iyadoo sheegtay inay baaris ku hayso falkaan.
Xogta la jabsaday ayaa la sheegay inay ka koobnayd magacyada codsadayaasha fiisaha, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, cinwaanada iimaylka, xaaladda guurka, iyo cinwaanada guryahooda.
Dadka xogtooda la jabsaday ayaa waxaa qeyb ka ah mu’waadiniin u dhalatay dalka Mareykanka, kuwaas oo dhibaatadan la kulmay lana xaday xogtoodii, sida ay sheegtay safaaraddu.
Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqan-gelisay nidaamka e-Visa waxaa soo baxayay amarro is-khilaafsan oo ka imanayay Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe, taas oo xaalad jahwareer ah ka riday hawada Soomaaliya iyo duulimaadyada diyaaradaha caalamiga ah ku imaanayaan dalka.
Si kastaba, hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya ayaa guddi baaritaan heer qaran ah oo ka kooban hay’adaha amniga, khubaro caalami ah oo ku takhasusay forensic, iyo hay’addaha dowliga ah ee khuseeya ilaalinta xogta u xil saartay dhacdadii jabsi ee nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah.
Guddiga baaritaan ee la magacaabay ayaa waxay hay’addu sheegtay inay baaritaan qoto dheer ku sameynayaan baaxadda isku dayga xad-gudubka ah, halka uu ka yimid iyo saamaynta uu yeelan karo.
Hay’adda ayaa sheegtay in marka baaritaanka rasmiga ah la soo gaba-gabeeyo la soo saari doono warbixin dhammaystiran oo faah-faahinaysa natiijooyinka, xogta la xaqiijiyay iyo tallaabooyinka sixidda ah ee la qaaday.
“Hay’adda socdaalka waxa ay ka xun tahay dhacdadan, waxaana ay mar kale xaqiijinaysaa in ilaalinta xogta dadka iyo adeegyada qaranka ay tahay mudnaanta koowaad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda.
Hay’adda socdaalka ayaa sheegtay inay xoojinayso nidaamyada amniga dijitaalka ah, oo ay ku jiraan heerarka casriga ah ee xog ilaalinta iyo multi-factor authentication dhammaan adeegyada hay’adda.

