26.5 C
Mogadishu
Friday, November 21, 2025

Haweenay ninkeeda Toorey ku dishay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay Marxuum Xasan Maxamed Nuur, kaasoo ay toorey ku dishay haweeney ahayd xaaskiisa.

Dilkan ayaa ka dhacay gudaha guriga qoyskooda oo ku yaalla degmada Dayniile, waaxda Kor-Damac.

Ciidamada booliska Muqdisho oo markiiba ka hawl-galay falkaan ayaa gacanta kusoo dhigay haweeneyda uu qabay marxuumka.

“Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay haweeney caawa fiidkii ninkeeda, Marxuum Xasan Maxamed Nuur, ku dishay degmada Dayniile,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Eedeysanadda waxaa lagu magacaabaa Faadumo Maxamed Cusmaan, waxayna hadda ku jirtaa gacanta booliska, sida uu xaqiijiyay taliska booliska Soomaaliyeed.

Faadumo haatan waxaa la diyaarinayaa in loo gudbiyo maxkamadda awoodda uleh si loo qaado tallaabooyinka sharciga ah ee ku saabsan kiiska ay ku eedeysan tahay ee dilka ah.

Boolisku ma uusan shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa falkaas, iyagoo tilmaamay in baaritaannada kiisku ay weli socdaan.

Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horreysay ee boolisku soo bandhigo kiisaska la xiriira khilaafaadka qoysaska ee ku dhammaada falal dil ah, kuwaas oo isa soo tarayay muddooyinkii dambe gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News