Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay dhammaan macallimiinta, isagoo uga garaabay duruufaha adag uu ku jiro.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in macallinka Soomaaliyeed maalin uun lagu abaalmarin doono kaalinta uu bulshada uga jiro, isla markaana uu muhiim tahay in la garab istaago oo mudnaan la siiyo.
Waxaa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal weyn gelisay horumarinta waxbarashada, iyadoo shaqaaleysiisay kumannaan macallin oo ardayda Soomaaliyeed si lacag-la’aan ah u bara, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in sannadaha soo socda la ballaariyo dadaalladan.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in haddii la doonayo in bulsho la wiiqo ama la burburiyo, marka hore la isku dayo in la beegsado macallimiinta ama nidaamka waxbarashada, maadaama macallinku uu hormuud u yahay la dagaallanka jaahilnimada iyo dhismaha mustaqbal ifaya.
“Waa maalin na wada farxad-gelineysa waaye Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, waxa aan leeyahay shaqada aad haysaan waa mid sharaf badan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxa uu intaas kusii daray “Askariga iyo Macallinka ayaa shaqo Soomaaliyeed oo culus haya, maalin uun waala abaalmarin doonnaa, wiil iyo gabadh Soomaaliyeed ayaa maanta iskuul aadaya iyada oo aan lacag laga rabin.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo xileedkiisa labaad ballan-qaaday inuu shaqaaleysiin doono 10,000 (toban kun) oo macallimiin Soomaaliyeed ah, taas oo qeyb ka ah tayeynta waxbarashada.
Ilaa hadda, waxaa si rasmi ah loo shaqaaleysiiyay 6,000 oo macallin, taasoo saamayn muuqata ku yeelatay tayada iyo guud ahaan xaaladda waxbarashada dalka, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.
Macallimiinta soo haray ayaa dhawaan la qaadan doona, si loo dhameystiro ballan-qaadkaas muhiimka ah ee lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.
Macallimiinta la qaatay illaa hadda waxaa 70% ka ahaa ragga, halka 30% ka ahaayeen gabdhaha, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wasiirka ayaa sheegay in isbeddel xagga boqoleyda ee gabdhaha iyo tirada ay ka qoranayaan macalimiinta ay si weyn uga badan doonto tii hore.
“Macallimiinta aan qaadannay gabadhaha 30% ayay ka ahaayeen, kuwa la qaadan doonana 50% ayay ka noqon doonaan,” Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Tan ayaa imaneysa xilli maanta loo dabaal-degayo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.
Xuska munaasabaddan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sanadkan muuqdaan isbeddello togan oo la taaban karo oo lagu sameeyay xaaladda macallimiinta Soomaaliyeed, isla markaana ay Wasaaradda Waxbarashadda dadaal badan ka gashay sidii ay wax uga qaban laheyd duruufaha adag ee ku shaqeeyaan.

