26.5 C
Mogadishu
Friday, November 21, 2025

Maxkamadda EACJ oo dib u dhigtay xukunka dacwadda xubnaha Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Arusha (Caasimada Online) – Maxkamadda Bulshada Bariga Afrika ee Arusha ayaa maanta dib u dhigtay ku dhawaaqista go’aanka dacwadda xubnaha Soomaaliya ku metelaya baarlamaanka urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EAC).

Safiirka Soomaaliya ee Tansaaniya iyo EAC, Ilyas Cali Xasan ayaa faafin deg-deg ah oo uu soo saaray ku xaqiijiyay in maxkamadda ay dib u dhigtey waqtiga ay soo saareyso go’aanka kama dambeyska ah ee dacwaddan.

Safiirka ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegay in uu soo baxay xukun maxkamadeed oo dib loogu celinayo xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya soo xushay ee baarlamaanka EALA.

“Waa waxba kama jiraan warka ah in Maxkamada EACJ ay go’aamisey in dib loo celiyo xubanaha DFS dhowaan soo xushey Baarlamaanka EALA. Maxkamada waxay dib udhigtey keliya waa waqtiga ay soo saareyso go’aanka kama dambeyska ah xukunka dacwada,” ayuu yiri Danjire Ilyaas.

Xildhibaannada Soomaaliya ayaa horey loo hakiyay musuq-maasuq dartiis, kadib markii koox siyaasiyiin Soomaali ah oo dacwad ka dhan ah doorashadaas u gudbiyeen Maxkamadda EACJ ee fadhigeedu yahay Arusha, taas oo haatan dib u dhigtay soo saarista go’aanka dacwadda xubnahan.

Siyaasiyiinta gudbiyay dacwaddan ayaa ku doodaya in hannaankii soo xulista uu baal-maray shuruucda aas-aasiga ah ee ururka. Dacwoodayaasha ayaa sheegay in geeddi-socodka oo dhan lagu soo koobay muddo shan maalmood gudahood ah, isla markaana musharrax kasta laga qaaday lacag diiwaangelineed oo gaaraysa ku dhowaad $10,000.

Waxay ku eedeeyeen in liiska kama dambaysta ah lagu saleeyey eex iyo qaraabo-kiil, laguna soo koobay shakhsiyaad xiriir dhow la leh madaxda sare ee dalka, halkii laga hubin lahaa inuu ka dhex muuqdo aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya in doorashadu u dhacday si waafaqsan xeerarka dalka, waxayna wacad ku mareen inay kiiska iska difaaci doonaan.

Waxay ku doodayaan in murankan uusan noqon mid carqaladeeya dadaalka ballaaran ee dalku ugu jiro inuu si buuxda u dhexgalo hay’adaha kala duwan ee EAC.

Si kastaba, waxaa si weyn loogu dhag taagaya go’aanka kasoo bixi doona maxkamadda, kaasi oo Soomaaliya u noqon doona guul ama dhabar-jab siyaasadeed, maadaama Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixisay ku biirista EAC iyo soo xulista xubnaheeda baarlamanka EALA, oo haatan ay ka harsan tahay wax ka yar laba sanno.

- Advertisement -

Read more

Local News