26.5 C
Mogadishu
Friday, November 21, 2025

Xisbiga Xasan Sheekh oo kala reebaya 522 musharax – Sidee u dhaceysa doorashada?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inuu qabtay codsiyada murashaxiintii ugu badnaa ee doorasho hoosaadka degmooyinka gobolka Banaadir.

Xisbiga ayaa shaaciyay in 16-ka degmo ee gobolka Banaadir ay iska diiwaan-geliyeen 522 xubnood, iyadoo haatan uu xisbigu si rasmi ah u soo gabo-gabeeyay qabashada codsiyada murashaxiinta doorasho hoosaadka.

Guddiga KMG ee doorasho hoosaadka degmooyinka gobolka Banaadir ee xisbiga ayaa soo saaray jadwalka doorasho iyo kala saarista xubnahan.

Guddiga ayaa shaaciyay in Axadda 23 November 2025 ay dhamaan xubnaha ururka loo diri doono fariin qoraaleed iyo email lagula wadaagi doono linkiga laga codeynayo iyo xogta kale ee muhiimka u ah codbixinta.

Doorashadan ayaa u dhici doonta qaab online ah, sida uu sheegay xisbigu. “Subaxnimada hore ee Talaadada 25 November 2025, waxaa bilaaban doonta codbixinta Online-ka ah, iyadoo ay socon doonto illaa 27 November 2025, 8:00am.”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Guddiga KMG ee Doorasho Hoosaadka Golayaasha Deegaanka Gobolka Banaadir waxa uu 20 November 2025 si rasmi ah u soo gabo-gabeeyay qabashada codsiyada murashaxiinta doorasho hoosaadka, iyadoo ay guud ahaan 16-ka degmo isu diiwaangeliyeen 522 xubnood.

Haddaba Guddigu wuxuu murashixiinta iyo guud ahaan xubnaha Ururka ogeysiinayaa qodobada soo socda:

1. Sabtida 22 November 2025, 4:00 PM galabnimo waxaa xarunta dhexe ee Ururka lagu qabanayaa kulan tababar iyo wacyigelin ah oo loo sameynayo murashaxiinta diiwaangashan.

2. Axadda 23 November 2025, waxaa dhamaan xubnaha Ururka loo diri doonaa fariin qoraaleed iyo email lagula wadaagi doono Linkiga laga codeynayo iyo xogta kale ee muhiimka u ah codbixinta.

3. Subaxnimada hore ee Talaadada 25 November 2025, waxaa bilaaban doonta codbixinta Online-ka ah, iyadoo ay socon doonto illaa 27 November 2025, 8:00am.

Guddigu wuxuu murashaxiinta iyo guud ahaan xubnaha Ururka ku boorinayaa inay isu diyaariyaan codeyntan muhiimka ah, iyadoo la ilaalinayo anshaxa ololaha doorasho hoosaadka Ururka.

- Advertisement -

Read more

Local News