Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aan la kala sheegan karin, xilli saacadihii lasoo dhaafay ay dood adag ka dhalatay in caasimadda ay leedahay qolo gaar ah iyo in kale.
Wasiirka ayaa ku dooday in qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG ah uu si cad u tilmaamayo in maqaamka rasmiga ah ee caasimadda Soomaaliya lagu go’aamin doono dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka.
Maxamuud Caydiid ayaa xusay in aysan jirin cid maanta sheegan karta caasimadda, maadaama dastuurku si cad u qeexayo in arrintaas ay go’aankeeda leeyihiin hay’adaha sharci-dejinta qaranka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in doodda ku saabsan in caasimaddu noqoto mid ku taalla degaan federaal ah ama ay noqoto caasimad maamul-goboleed ay tahay arrin u baahan in sharci gaar ah lagu qeexo, kadibna baarlamaanku ka doodo oo uu ansixiyo.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in taariikhda Muqdisho ay muujinayso in aanay jirin qolo gaar ah oo sheegan karta magaalada, maadaama ay hore u wada degganaayeen bulshooyin badan oo Soomaaliyeed.
“Bulshada Banaadiriga waa bulshada ugu xuquuqda badan magaalada, maadaama ay door muhiim ah ku lahaayeen taariikhda iyo dhaqanka Muqdisho muddo dheer,” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.
Ugu dambayntiina, wasiirka ayaa adkeeyay in maqaamka caasimaddu uusan ku soo bixi karin sheegasho ku saleysan qabiil ama fasiraad taariikheed oo dhinac u janjeerta, balse uu u baahan yahay go’aan sharci ah oo mideeya dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

