23.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Yoweri Museveni oo jeediyey hadal ka caraysiiyey Kenya oo la xiriira sheegashada badda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa faahfaahin ka bixiyay hadallo uu horay u jeediyay oo ku saabsanaa sheegashada dalkiisa ee marin u helidda Badweynta Hindiya, arrintaas oo dood xooggan ka dhalisay guud ahaan Kenya.

Isagoo la hadlayay warbaahinta qaranka Uganda Jimcihii, November 21, 2025, ayaa Museveni wuxuu sheegay in bayaankiisu uu salka ku hayay dhismaha federaal siyaasadeed oo looga gol leeyahay in lagu sii xoojiyo is-dhexgalka siyaasadda, dhaqaalaha, iyo milatariga oo dhaafsiisan midowga canshuuraha iyo suuqa guud ee hadda jira ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Arrinta amniga istiraatiijiga ah ayaa ah sababta aan uga hadlay Badweynta Hindiya. Xitaa haddii aan ku wada jirno EAC, ma wada qorsheyno difaaca. Dal walba oo xubin ah wuxuu leeyahay difaaciisa gaarka ah,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray, “Waddamada qaar ee caalamka ayaa awood sare ku leh dhanka ciidanka cirka, badda (waana sababta aan uga hadlay Badweynta Hindiya), iyo dayax-gacmeedyada, balse dalalka Bariga Afrika ee ku yaalla xeebaha waxaa laga yaabaa in aysan lahayn awood dhaqaale. Halkaas ayuu federaalka siyaasadeed ka soo galayaa.”

Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii uu digniin u diray Kenya, isagoo sheegay in dalkiisa oo aan bad lahayn uu xaq u leeyahay inuu marin u helo Badweynta Hindiya.

Wareysi uu bixiyay Talaadadii, November 11, 2025, ayuu ugu baaqay waddamada Bariga Afrika inay dhaqaale ahaan midoobaan si looga hortago khilaafaad mustaqbalka dhaca.

“Hab-dhismeedka siyaasadeed ee Afrika waa mid aan caqli-gal ahayn. Qaar ka mid ah waddamada ma laha marin badeed. Ujeedooyin dhaqaale iyo kuwa difaacba, waad xayiran tahay. Sidee baan u dhoofiyaa badeecadeyda?” ayuu yiri.

Museveni ayaa sheegay in Uganda aysan dhisan karin ciidan bad ama aysan si madax-bannaan u dhoofsan karin badeecadeeda maadaama aysan lahayn xeeb.

“Taasi waa sababta aan u leeyahay, dadkiinow, maxaad u eegi weydeen sida loo midoobo? Sababtoo ah Uganda, xitaa haddii aad dooneysaan inaad dhisataan ciidan bad, sidee baad u dhisi kartaan? Annagu marin badeed ma lihin,” ayuu yiri Museveni.

Museveni ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay ku tiirsanaanta Uganda ee waddamada deriska ah, gaar ahaan Kenya, ee dhanka kaabayaasha ganacsiga.

“Taasi waa sababta aan wadahadallo aan dhammaad lahayn ula yeelanno Kenya, kadibna kani, kani wuu istaagay, kadibna mid kale ayaa yimid, dabadeedna… Jidka tareenka, dhuumaha shidaalka, biyaha – waan ka wadahadalnaa. Laakiin baddaas anigaa iska leh sababtoo ah aaway baddaydii? Xaq baan u leeyahay baddaas,” ayuu yiri.

Inkastoo hadalladiisu ay dhaliyeen walaac la xiriira xasilloonida Bariga Afrika iyo xiriirka soo jireenka ah ee dhanka xuduudaha iyo ganacsiga ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah, haddana dadka isticmaala baraha bulshada ayaa ku jeesjeesay sheegashooyinkaas, iyagoo internet-ka ku baahiyay sawirro qosol ah oo si weyn u faafay.

- Advertisement -

Read more

Local News