24.4 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Sawirro: Farmaajo oo kulamo culus ka billaabay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan casho-sharaf iyo xog-wareysi ah hoyga uu ka deggan yahay Muqdisho kula yeeshay qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynihii hore iyo xildhibaannada ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, ilaalinta dowladnimada, midnimada iyo maareynta marxaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro.

Mudane Farmaajo ayaa uga mahadceliyey xildhibaannada booqashada iyo kulanka wadatashi ee ay ugu yimaadeen, isagoo ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in ay mudnaanta siiyaan ka shaqaynta dhowrista midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, taas oo aasaas u ah ilaalinta dastuurka iyo shuruucda lagu heshiiyey.

Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay 13-kii Nofeembar, kaddib saddex sano iyo dheeraad ah oo uu ka maqnaa.

Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa dalka ugu soo laabtay arrimo la xiriira doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda lagu wado in ay dalka ka qabsoonto, inkasta oo aan weli heshiis lagu ahayn nooca doorasho ee la qorsheeyey in dalka laga qabto 2026-ka.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu qayb ka noqon doono dadaallada gudaha ee xalka loogu raadinayo in la dhammeeyo khilaafka masiiriga ah ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka ah iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la xiriira doorashada dalka, isla-markaasna ka dhashay wax ka beddelkii 30-kii bishii Maarso ee sannadkii 2024 lagu sameeyay afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG ah ee uu ka kooban yahay.

Imaanshaha Farmaajo ee dalka ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ismari-waa siyaasadeed uu ka taagan yahay doorashada, kaas oo muddooyinkan dambe u dhexeeyay siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta iyo Villa Somalia.

13-kii bishii Agoosto ayaa waxaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulammo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la lahaa xubnaha Madasha Samatabixinta, kaddib markii ay isla meel dhigi waayeen in laga laabto qodobbadii la beddelay ee dastuurka qabyo-qoraalka, si marka hore loogu heshiiyo haddii wax laga beddelayo iyo haddii kale.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka biyo-diiddan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamulayso doorashada 2026, iyagoon ka digay in dalka laga qabto doorasho aan heshiis lagu ahayn.

Farmaajo waa madaxweynihii ugu dambeeyay ee dalka ee doorasho lagaga guuleystay kaddib xilka wareejiya, dowladduna waxay og tahay in uu saamayn siyaasadeed leeyahay.

Farmaajo waxaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, inkasta oo uu u dhaqmayo siyaasi kali-duul ah, marka aad eegto in aanu xubin ka ahayn isbahaysiyada ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan dalka ka qaban karin doorasho aan heshiis lagu ahayn, maadaama ay ka warqabto in beesha caalamka aan wax dhaqaale ah lagu bixin doonin doorasho lagu kala qaybsan yahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dabayaaqadii bishii Agoosto hal tallaabo u qaaday tanaasulka looga baahan yahay in dowladdiisu ay sameyso, markaas oo uu oggolaaday in madaxweynaha xiga ay soo doortaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, balse ay dadweynuhu si toos ah u soo dooran doonaan golayaasha deegaanka, xildhibaannada baarlamaanada heer dowlad-goboleed iyo heer federaalba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go’aankan qaatay, kadib heshiis uu xilligaasi la galay afar ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, kuwaas oo mabda’an ka tanaasulay mucaaradnimadooda. Siyaasiyiintan ayaa kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdirraxmaan.

- Advertisement -

Read more

Local News