Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo maanta diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen qaybo kamid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay weli howlgallo kasii wadaan ciidamada Puntland.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in duqeynta oo bartilmaameed ah lala beegsaday firxadka maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo ku sugnaa aagga tog ku yaalla Baallade, halkaas oo uu ka socdo howlgalku.
Puntland ayaa xaqiijsay in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 5 xubnood oo kamid ahaa kooxda Daacish ee ku sugnaa aagga la duqeeyay, waxayna u mahadcelisay Mareykanka.
“Duqeyn ayaa lagu dilay ugu yaraan 5 ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish, duqeynta oo ka dhacday aaga Barakalah ee Togga Baalade waxaa fuliyey saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Puntland.
Waa weerarkii labaad oo cirka ah oo muddo laba todobaad gudahood ah uu Mareykanka ka fulinayo aaga Barakalah ee Togga Baalade, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubnaha Daacish.
Waxaa kale oo kasii horreeyay weerar kale oo uu dhawaan Mareykanka ka fuliyay deegaanka Ceelka Baarakalaah oo ah fariisin istaraatiiji ah oo ay togga Baallade kaga sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish, halkaas oo sidoo kale jab culus loogu gaystay.
Daacish ayaa difaacaneysa Ceelka Baarakalaah, waxaana horay ay u sheegtay inay ka hortegtay weeraro ay kusoo qaadeen ciidanka Puntland, si ay u qabsadaan deegaankaas.
Si kastaba, Duqemahan waxaa barbar socda dagaallo toos ah oo ay ciidanka Puntland ku qaadayaan fariisimaha Daacish ee ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

