32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maleeshiyo cusub oo ka soo horjeeda ururka Xamas oo ka dillaacday Khan Younis

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaza (Caasimada Online) – Koox hubaysan oo cusub ayaa ka dillaacday deegaanka Khan Younis, waxaana hoggaaminaya Shawqi Abu Nasira oo horay maxbuus ugu soo noqday xabsiyada Israa’iil, kana tirsanaan jiray dhaqdhaqaaqa Fatax iyo saraakiisha Maamulka Falastiin, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah.

Abu Nasira ayaa sannadihii 1980-yadii xabsi muddo dheer ah ku qaatay falal la xiriira hawlgallo millatari. Xilligaas, wuxuu ku guuleystay inuu ka baxsado xabsiga Nafha ee Israel, balse waxaa dib gacanta loogu dhigay muddo toddobaad iyo bar ah ka dib.

Markii xabsiga laga sii daayay iyo ka dib heshiiskii Oslo, wuxuu ka mid noqday saraakiisha laamaha amniga ee Maamulka Falastiin, isagoo gaaray darajo sare ka hor intii uusan shaqada ka fariisan. Intii uu socday dagaalka hadda ka aloosan Gaza, waxaa la wariyay in wiilkiisa la dilay, iyadoo Abu Nasira laftiisu uu dhawaanahan wajahayay hanjabaado kaga imanaya sirdoonka Xamas iyo hay’adaha amniga gudaha ee ururkaas.

Muuqaal fiidiyoow ah oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Abu Nasira oo khudbad u jeedinaya cutub ka kooban qiyaastii 20 dagaalyahan oo saf ku jira, isagoo adeegsanaya luuqad adag: “Kabtiinna uskagga leh ayaa ka sharaf badan kan ugu weyn ee hoggaanka beenta ku dhisan ee Xamas. Anigu waxaan ahay Shawqi Abu Nasira, mana rabo inaan naftayda ka hadlo. Ciddii soo qabata qof la-shaqeeye ah, ha ogaato inaanan cidna ka haybaysanayn—laga soo bilaabo kan ugu sarreeya Xamas ee Khalil al-Hayya ilaa kan ugu hooseeya.”

Intaas ka dib, wuxuu ciidamadiisa ku amray inay kor ugu dhawaaqaan hal-kudhigyo ka dhan ah Xamas, isagoo leh: “Ciyowga eeydu ma cabsigeliyo libaaxyada. Dhimasho ha ku timaado Xamas! Dhimasho ha ku timaado Xamas!”

Abu Nasira ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan uga soo tagnay qoysaskeena iyo guryaheena si aan ehelkeenna iyo shacabkeenna uga xoreyno Xamas iyo Iiraanta Faarisiyiinta ah. Waa cadowga Islaamka iyo Sunniga. Ma caddahay? Idinku ma tihidin basaasiin, waxaad tihiin dadka ugu sharafta badan. Ciddii Xamas ku tiraahda ‘maya’ waa geesi. Muhiim ma aha inaan aniga ahay ama qof kale.” Wuxuu hadalkiisa ku soo xiray, “Xamas indhahooda, dhammaanteen waxaan ka nahay basaasiin. Laakiin qofkii ‘maya’ yiraahdaa waa libaax.”

Dhaq-dhaqaaqan cusub ayaa ku biiraya maleeshiyaad kale oo ka jira deegaanka Khan Younis kuwaas oo ka soo horjeeda Xamas. Waxaa sidoo kale aaggaas ka hawlgala ciidamo uu hoggaamiyo Husam al-Astal, oo hore sarkaal uga ahaan jiray sirdoonka Maamulka Falastiin. Intaas waxaa dheer, in ugu yaraan saddex kooxood oo kale oo hubaysan ay ka jiraan inta u dhaxaysa waqooyiga Gaza iyo koonfurta, waxaana ugu awood badan kooxda Ciidamada Shacabka (Popular Forces) ee uu hoggaamiyo Yasser Abu Shabab, kuwaas oo fariisin ku leh bariga Rafah.

Tan iyo markii ay dhaqangashay xabbad-joojintii bishii Oktoobar, wareegyada taabacsan Xamas ayaa faafiyay warar sheegaya in qaar ka mid ah xubnaha maleeshiyaadkan ay isku dhiibeen ama lagu dilay iska horimaadyo. Hase yeeshee, wararkaas waa la beeniyay, iyadoo ay ka mid ahaayeen kooxda Abu Shabab oo si cad u naqdisay sheegashadaas.

Maalmihii la soo dhaafay, kooxda Yasser Abu Shabab ayaa shaacisay inay wadashaqeyn toos ah la leeyihiin Golaha Nabadda, taasoo qayb ka ah qorshaha Madaxweyne Donald Trump. Ku-xigeenka Abu Shabab, Rasan al-Duhaini, ayaa caddeeyay inay fulin doonaan hawlgallo ka dhan ah “kooxaha hubaysan ee sharci-darrada ah”—oo u muuqda tixraac ku socda Xamas—kuwaas oo laga fulinayo “deegaanno gaar ah oo ka tirsan Rafah.”

Dhinaca kale, ilo wareedyo ka tirsan Xamas ayaa u sheegay telefishinka Sacuudiga ee Asharq subaxnimadii Axadda in wafdi ka socda ururkaas ay ku sugan yihiin Qaahira si ay wada-hadallo uga yeeshaan dhismaha guddi maamul oo loo sameeyo Marinka Gaza.

Sida ay sheegeen ilahaasi, wada-hadallada Qaahira waxay u dhexeeyaan saraakiil sare oo ka tirsan Xamas iyo mas’uuliyiinta Masar, iyadoo ay wehliyaan wakiilo ka socda ururo kale oo Falastiiniyiin ah. Isla waqtigaas, ilo kale ayaa u sheegay kanaalka Al-Hadath in ujeeddada wafdiga Hamas ee Qaahira ay la xiriirto faahfaahinta u gudbidda wejiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta. 

- Advertisement -

Read more

Local News