Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa fasiraad dheeraad ah ka bixiyay hadalkii uu maanta warbaahinta mariyay, kaasi oo abuuray fal-celin xooggan.
Wasiirka oo markaas ka digayay in hub lagu dhex qaato magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in sideedaba hubka loo ogol yahay dowladda iyo Shabaabka, oo ayagu raba inay ku laayaan dadka Soomaaliyeed.
Dadka qaar ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka wasiirka, maadaama uu sheegay in hubka aan loo ogoleyn cid saddexaad oo ka aheyn dowladda iyo Al-Shabaab, oo ah cadowga koowaad ee dowladnimada Soomaaliya.
Kadib fal-celinta ka dhalatay hadalkaan, wasiirka ayaa bixiyay fasiraad dheeraad ah, isagoo sheegay in ujeedkiisu aheyn in hub loo ogol yahay Al-Shabaab, balse uu ka waday in cid aan ka aheyn dowladda qaadan karin hub, ayna tahay sharci darro.
“Haddii aan dhahay waxaa hub loo ogolyahay AS, waa khalad dhacay, u jeedkeygu sidaas ma ahayn,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga, Cumar Cali Cabdi.
Waxa u intaas kusii daray “Hub sideedaba waxaa ula jeeday oo iska leh oo sharciyadda u ogoshahay dowladda Soomaaliya, cid kale looma ogola, cidda kale ee wadata waa Shabaab oo aan rabno in aan ka qaadno oo sharciyadda ku marsiino, marka waxaa diidda cid saddexaad ayaa hub qaadan karta ama isku-dayi karta.”
Sidoo kale, Wasiir Cumar ayaa sheegay in haatan Muqdisho ay tahay nabad, isla markaana cid kasta oo ku xad-gudubta laga qaadi doono tallaabo adag.
“Wadankan amni ayaa ka jiro, mana la arki karno ciidan aan ahayn kan hay;adaha amniga ee dowladda, qoftii la timaadana tallaab ayaa laga qaadayaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Cumar Cali Cabdi.
Hoos ka daawo muuqaalka

