27.4 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Soomaaliya oo si buuxda u maamulanaysa baddeeda

Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay gashay bog cusub oo muhiim ah.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta ka qeyb kalfadhiga 34-aad ee Golaha Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), kaasi oo si rasmi ah uga furmay magaalada London ee Boqortooyada Ingiriiska.

Madashan ayaa ah goob ay dalalka xubnaha ka ah ku muujiyaan wadajir iyo iskaashi lagu xaqiijinayo bad ammaan ah, nadiif ah, dhaqaale ganacsi oo hufan leh, iyo nidaam badeed oo casri ah oo si wanaagsan u shaqeeya.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka tallaabayso caqabadihii hore ee dhinaca badaha, isla markaana ay u gudbayso marxalad cusub oo ay si buuxda mas’uul uga tahay maamulka, ilaalinta, iyo horumarinta arrimaha baddeeda.

Wasaarad ahaan, wuxuu sheegay jnay ku jiraan dib-u-habeyn ballaaran oo lagu casriyeynayno nidaamka gaadiidka badda, korna loogu qaadayo hufnaanta hawlaha, laguna xoojinayo maamulka badaha, isla markaana lagu horumarinayo kaabeyaasha muhiimka ah ee dekedaha dalka.

“Soomaaliya maanta waxay gashay bog cusub, waxay ka tallaabaysaa caqabadihii hore ee dhinaca badaha,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay ka miro-dhalinta iyo wada-shaqeynta kala dhexeysa IMO iyo dalalka xubnaha ka ah, iyo in aan si wadajir ah u dhisno mustaqbal badeed oo ammaan ah, amni leh, hufan, isla markaana barwaaqo u horseeda dhammaan bulshada Soomaaliyeed iyo caalamkaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan qaadday tallaabooyin ay ku adkaynayso gacan ku haynta xuduudaha badda ee dalka, isla markaana ay hal meel isugu geynayso maamulka iyo kormeerka guud ee ganacsiga caalamiga ah.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa dhaqan-galisay nidaamka elektaroonigga ah ee raadraaca maraakiibta shixnadaha (ECTN), kaasi oo waajib ku ah dhammaan badeecadaha ka soo degaya ama ka dhoofaya deked kasta oo ku taal Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xogta uu nidaamkan u saamaxayo inay ogaato Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah shirkadda badeecada diraysa, shirkadda loo dirayo, nooca iyo sicirka badeecadda la dirayo.

Shirkadaha maraakiibta alaabta keenaya Soomaaliya waxay si toos ah canshuurta alaabta la soo dhoofinayo ugu soo shubi doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, nidaamkan, oo u shaqaynaya sidii “aqoonsi dhijitaal ah” (Digital Passport) oo ay leedahay badeecaddu, wuxuu dowladda u suuragelinayaa inay il gaar ah ku hayso dhaq-dhaqaaqa shixnadaha, laga soo bilaabo dekedda ay ka soo ambabaxeen ilaa ay ka soo gaaraan halka ay u socdaan ee gudaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News