26 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Sawirro: Dowladda Xasan Sheekh oo ku guuleysatay in markii saddexaad ay qabato…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii saddexaad qabatay shirweynaha culimada Soomaaliyeed, kaasi oo maanta uu daah-furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirweynaha 3-aad ee culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.

Xasan oo bogaadiyey waxbadka wanaagsan ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa sheegay in qabashada shirweynihii 3-aad ee culimada Soomaaliyeed, dhismaha xurunta wasaaradda iyo dib u habaynta arrimaha Xajka ay muujinayaan mudnaanta koowaad ee dowladdu ay siinayso culimada iyo diinteenna suubban ee Islaamka.

“Waxaan bogaadinaya wax-qabadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo hirgelisay Machadka Sare ee Shareecada oo ay ka qalinjabiyeen dufcadii ugu horreysa oo 197 arday, haddana ay socoto daraasadda dufcadii labaad,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa kale oo guul weyn ah in la dhagax-dhigay Majliska Daarul-Iftaa oo aan rajeynayo in mustaqbalka dhow lagu qaban doono shirarka waaweyn ee culimada, dhammaan waa tusaale muuqda oo dadka dhaxal reeb u noqon doona, waxa ayna ku timid daddaal iyo hufnaan shaqo.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa culimada Soomaaliyeed ugu baaqay inay mideeyaan awooddoda, si ay hormuud ugu noqdaan shacabka Soomaaliyeed uguna hagaan midnimo iyo wadajir.

Tan ayuu sheegay inay door muuqda ka qaadan karta dowladnimo sal adag leh, bulsho toosan oo wacyigeedu sarreeyo, lana jaan qaada umadaha kale ee caalamka.

- Advertisement -

Read more

Local News