Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa Midowga Yurub ka codsatay in uu ula macaamilo sidii dal madax-banaan, xilli uu adduunka u aqoonsan yahay maamul-goboleed Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa codsigan u gudbiyay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, kadib markii uu maanta ku qaabilay qasriga madaxtooyada.
Cirro ayaa Marwo Francesca Di Mauro la wadaagay mawqifka Somaliland ee ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida ay ku doodo iyo muhiimadda ay leedahay in Midowga Yurub ay gar-waaqsadaan horumarka ay ku tallaabsatay muddo soddon sano ka badan.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in la gaaray xilligii ah EU-du ula dhaqmi lahayd si gaar ah, loona qoondayn lahaa dhaqaale iyo mashaariic horumarineed oo u gaar ah Somaliland.
Dhinaca kale, Cirro ayaa Safiirka Midowga Yurub uga xog-warramay in nabaddu ay xukuumaddiisa u tahay mudnaanta koowaad, isaga oo faahfaahiyey tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay Xukuumaddu ka qaaday xoojinta amniga iyo wadajirka bulshada.
Waxa uu Safiirka Midowga Yurub u sharraxay tallaabooyinka muhiimka ah ee ay xukuumaddu qaaday xagga amniga iyo xasiloonida, gaar ahaan Qaramaynta iyo nidaaminta ciidammada Maddaniga ah oo ka badan 6,000 iyo hubkoodi, taasi oo aanay Somaliland cidi ka caawinin.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu xusay soo afjaridda colaaddii Ceel-Afweyn, taas oo lagu dhammeeyey wadahadal, isu-soo dhawayn iyo nabad ku wada noolaansho. Waxa kale oo uu ka hadlay gogoshii nabadda ee Ceerigaabo oo ay xukuumaddu ku diyaarisay jawi isku-soo-dhawayn bulsho, wada hadal iyo xal waara oo lagu xoojinayo midnimada bulshada.
Safiirka Midowga Yurub, Marwo Francesca Di Mauro ayaa dhankeeda waxay Madaxweynaha Somaliland ku bogaadisay guulaha wax ku oolka ah ee ay xukuumaddiisu muddada kooban ku tallaabsatay.
Sidoo kale waxa ay caddaysay in EU-du ay qiimaynayso nabadda, xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadda ee ka jira Somaliland, isla markaana ay diyaar u tahay in ay kordhiso wadashaqaynta iyo iskaashiga xagga amniga iyo horumarka bulshada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Si kastaba, kulanka ayaa ku soo dhamaaday is-faham, iyada oo la isla qaatay in la sii dardar-geliyo iskaashiga labada dhinac, si loo xaqiijiyo danaha nabadda, horumarka iyo amniga gobolka Geeska Afrika.









