26 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Guddiga doorashooyinka oo caawa sameeyay muddo kordhin

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay muddo kordhin loo sameeyay soo gudbinta liisaska murashaxiinta golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddigu ayaa go’aamiyay in soo gudbinta liiska musharaxiinta lagu daro muddo laba todobaad ah oo ka bilaabaneyso 26 November oo ku eg 10 December.

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan ka dhacay xarunta dhaxe ee guddiga, kaasi oo uu shir-gudoomiyey Guddoomiye ku-xigeenka guddiga. Muddo kordhinta uu guddigu sameeyay ayuu ku sababeeyay codsiyo rasmi ah oo uga yimid qaar kamid ah ururrada siyaasadda.

“Guddigu oo ka jawaabaya codsiyo rasmi ah oo kaga yimid qaar ka mid ah Ururrada Siyaasadda oo dalbaday in la siiyo waqti dheeri ah oo ay ku soo gudbiyaan liisaskooda murashaxiinta ayaa loo sameeyay muddo kordhintan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale, muddo kordhinta ayaa waqti dheeri ah u siin doonta guddiga hubinta liisaska murashaxiinta in ay noqdaan kuwo dhammaystiran oo shuruudaha sharciga waafaqsan.

“Guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan ururrada siyaasadda in liisaska murashaxiinta kama dambaysta ah lagu soo gudbiyo ugu dambeyn mudada loo gabtay,” ayaa lagu yiri qoraal guddiga doorashooyinka qaranka.

Guddiga ayaa horey u sheegay in ururradu ay soo gudbiyeen codsiyo dib u dhigis, kaasi oo ay u cuskadeen cudur-daar ay ka mid yihiin waqtiga is-diyaarinta oo aad u kooban iyo caqabado maamul oo kala duwan oo horyaalla, taas oo keentay inay dalbadaan muddo kordhin.

Arrimahan ayaa imanaya xilli aan weli heshiis laga gaarin doorashooyinka qaranka, taas oo ay diidan yihiin qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo ay ugu weyn tahay Madasha Samatabixinta Qaranka.

Dowladda ayaa sidoo kale horey loogu eedeeyey in aysan daacad ka ahayn hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, balse ay tahay xeelad waqti-lumis ah oo looga gol-leeyahay in lagu xaqiiqsado muddo-kororsi. Hase yeeshee, Villa Somalia way beenisay eedeymahaas.

- Advertisement -

Read more

Local News