26 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Dakhliga DF Soomaalia ka soo gala dalka oo kordhay 80%

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa shaaca ka qaaday in dakhliga gudaha ee dalka uu sameeyay koror ballaaran oo gaaraya 80% muddadii saddexda sano ahayd ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa guushan ku micneeyay natiijada ka dhalatay dadaallada xooggan ee dowladda ku bixisay sare u qaadista ururinta dakhliga iyo yaraynta ku tiirsanaanta deeqaha shisheeye.

Wasiirka ayaa kororkan ku tilmaamay mid ka tarjumaya isbeddel istiraatiijiyadeed oo ku yimid jihada maaliyadeed ee Soomaaliya, isagoo xusay in tani ay tahay tallaabo aas-aas u ah xaqiijinta isku-filnaansho dhaqaale iyo xasillooni waarta.

Biixi ayaa intaas ku daray in Wasaaradda Maaliyadda ay dhaqangelisay nidaamyo sharciyeed iyo habraacyo cusub oo lagu ballaarinayo saldhigyada dakhliga, isla markaana lagu casriyeynayo maamulka maaliyadda, tallaabooyinkaas oo uu ku sifeeyay kuwo lagama maarmaan u ah sii wadidda dardargelinta dhaqaalaha.

“Waxaan xoogga saarnay kobcinta dakhliga gudaha halkii aan ku tiirsanaan lahayn taageerada dibadda. Waxaan dejinay xeerar cusub, kuwaas oo sababay in dakhliga gudaha uu kordho 80% saddexdii sano ee u dambeeyay,” ayuu yiri Wasiir Cige.

Dhanka kale, saraakiisha dowladda ayaa tilmaamaya in xukuumadda federaalku ay hiigsanayso in la yareeyo deynta dibadda lagaga soo qaato iyo ka hortagga in deymahu ay mar kale buux-dhaafaan.

Qorshahan ayaa salka ku haya in dakhliga gudaha ee la xoojiyay uu noqdo laf-dhabarta adkeynta maaliyadda dalka, si hawlaha dowladda loogu maalgeliyo dhaqaale gudaha ah, iyadoo la yareynayo ku tiirsanaanta deeq-bixiyayaasha caalamiga ah.

Ugu dambayn, wasaaradda ayaa qorshaynaysa inay qaaddo tallaabooyin horleh oo lagu hufayo nidaamka ururinta canshuuraha, sare loogu qaadayo u hoggaansanaanta sharciga, lana ballaarinayo ilaha dakhliga, taas oo qayb ka ah dib-u-habaynta ballaaran ee lagu samaynayo maaliyadda guud ee dalka.

Kororkan ayaa imanaya xilli aad loogu baahan yahay ayada oo sanadkan 2025 ay aad u yaraadeen deeqaha dibedda kadib markii Mareykanka iyo dalalka Yurub ay badankood dhimeen miisaaniyaddii ay ku bixin jireen kaalmada dibedda.

- Advertisement -

Read more

Local News